Trump oo saxiixay tobnaan Digreeto Madaxweyne

Image

WASHINGTON - Markii Donald Trump uu la wareegay xafiiska shalay, wuxuu durba saxiixay tiro digreeto Madaxweyne kuwaas oo saameyn weyn ku yeelanaya siyaasadda gudaha iyo dibedda ee dalka Mareykanka.

Amaradani waxay isugu jireen kuwo dhaqan-gelinayay siyaasado uu Trump ka sheegay xilligii ololaha doorashada, sidoo kale kuwo xakamaynayay ama joojinayay barnaamijyo iyo siyaasado ay dhaqangelinayeen maamulka madaxweynihii ka horeeyay, Joe Biden.

Qaar ka mid ah amarrada ugu waaweyn ee uu Trump saxiixay markii uu xafiiska la wareegay waxaa ka mid ah:

Heshiiska cimilada Paris

Trump wuxuu saxiixay amar fulineed oo amraya in Mareykanka mar kale ka baxo heshiiska cimilada Paris, taas oo khatar gelinaysa dadaallada caalamiga ah ee lagula tacaalayo kululaynta caalamiga ah, isla markaana mar kale kala fogaynaysa Mareykanka iyo xulafadiisa ugu dhow.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Trump wuxuu saxiixay amar fulineed oo bilaabay habka looga saaro Mareykanka Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO). Tani waxay ahayd markii labaad ee ka yar shan sano oo uu amar ku bixiyay in dalka laga saaro ururka, inkasta oo ay tani tahay tallaabo ay cilmi-baarayaal badan ka baqaan inay dib u riixdo guulaha la gaaray muddo dheer ee lagula tacaalayay cudurrada faafa sida AIDS, malaria, iyo tuberkulosis.

Cafis

Madaxweyne Donald Trump Isniintii ayaa cafis u sameeyay in ka badan 1,500 oo taageerayaashiisa ah oo lagu soo oogay dambiyo ku saabsan weerarkii 6-da January 2021 ee Xarunta Kongareeska Mareykanka kadib markii Biden ku adkaadey doorashadda.

Fasixid shaqada TikTok

Madaxweyne Donald Trump wuxuu saxiixay amar fulineed si TikTok loogu ogolaado inuu sii wado shaqadiisa muddo 90 maalmood ah, taas oo nafis u ah isticmaalayaasha ku nool Mareykanka 170-ka milyan, inkastoo su’aalo amniga qaranka ay weli jiraan.

Go'aankii Biden ee Cuba

Trump ayaa meesha ka saaray amar uu soo saaray Biden kaas oo loogu aqoonsaday  Cuba in uu yahay dal marti-geliya argagixisada.

Biden wuxuu si rasmi ah u ogeysiiyay Congress-ka Isbuucii hore go'aanka oo fududaysay Kaniisadda Katooliga, si loogu sii daayo maxaabiista siyaasadeed ee ku xiran jasiiradda.

Arinta socdaalka iyo qaxootiga ku sugan Mareykanka

Mid ka mid ah amarrada Trump ee saameynta badan ee ku saabsan socdaalka ayaa ah mid lamid ah kii uu Mareykanka 2017 uga joojiyay Muslimiinta qaxootiga ah inay galaan dalkaas.

Trump wuxuu doonayaa inuu joojiyo deeqaha federaalka ee loo qoondeeyo "gobollada," taasoo loogu tala-galay dadka soo-galootiga ah. Trump ayaa sharci adag kasoo saarey xuduuda Mexico, oo ah meesha dad badan kasoo galaan Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles