Trump oo Shaaciyay Barnaamijka “Trump Card” oo ah Deganaansho Mareykanka oo $5 Milyan ah

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in maamulka uu aqbalayo codsiyada barnaamij cusub oo loogu magac daray “Trump Card,” kaasoo ballanqaadaya deganaansho joogto ah oo lagu helayo lacag dhan $5 milyan.

Trump ayaa ku sheegay warkaasi Arbacadii, isagoo soo bandhigay website cusub oo loogu talagalay dadka daneynaya inay iska diiwaangeliyaan. Dadka booqda TrumpCard.gov waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay ku soo gudbiyaan magacyadooda, gobolka ay joogaan, ciwaanka emailkooda, iyo inay cadeeyaan haddii ay codsanayaan shaqsi ahaan ama shirkad ahaan, si “marka uu furan yahay helitaanka loo ogeysiiyo.”

“Kun kun oo qof ayaa soo wacay oo weydiiyay sida ay iskaga diiwaan gelin karaan si ay u helaan waddo qurxoon oo ay ku helaan dalka iyo suuqa ugu weyn adduunka,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ee Truth Social.

“Magaca waddanku waa UNITED STATES OF AMERICA. LIISKA SUGITAANKA HADA WAA FURAN YAHAY.”

Trump ayaa markii ugu horreysay soo jeediyay fiisaha deganaanshaha bishii Febraayo, isagoo sheegay in maamulka uu siin doono dadka hodanka ah “karta dahab ah” oo siinaysa xaqa deganaanshaha, shaqada, iyo jidka loo maro dhalashada.

“Waxay noqon doonaan dad hodan ah, guuleysta, lacag badan ayaa isticmaali doona, canshuur badan ayaa bixin doona, waxaana ay shaqo siin doonaan dad badan,” ayuu Trump markaas yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM