Trump oo sheegay inuu tallaabo adag ka qaadi doono Yurup hadii dib loo doorto

Image

WASHINGTON - Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa sheegay mar uu wareysi siinayay "Fox News", in Mareykanka uu culeys ka saaranyahay caawinta Ukraine. Wuxuu intaas ku daray in ay bixiyaan gargaarka, iyaga oo aan wax halis ah uga imaan karin dagaalka socda, maadaama ay badweynta ka xigto.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in marka uu ku laabto Aqalka Cad, uu ku qasbi doono wadamada Yurub inay bixiyaan wixii uu Mareykanka ka siiyay Ukraine, haddii aysan ka badnayn.

Waxa uu sheegay in mudnaanta koowaad haddii uu noqdo madaxweynaha 2024 uu siin doono hubinta in Yurub ay bixiso lacago badan oo lagu maalgelinayo xoojinta difaaca Ukraine, halkii uu Mareykanku kaligiis qaadi lahaa kharashka.

Trump ayaa yiri "muhiimada koowaad waa lacagta,, waxaan u sheegi doonaa Yurub, lacagta aad bixisaan waxaa ku darataan $100 bilyan".

Waxa uu tixgeliyey in waxa Yurub ay ku maalgelinayaan dagaalka ay aad u yar yihiin marka loo eego waxa Maraykanku bixiyo. Waxa uuna waydiiyay, "Maxaynu u bixinaa 150 bilyan oo doollar halka ay iyagu (Yurub) bixiyaan 20 bilyan?".

Waxa uu sidoo kale sheegay in Yurub aysan sheega karin dhaqaale yari, maadaama dhaqaalaha Yurub uu la mid yahay kan Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM

Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu

Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:07PM