Trump oo soo bandhigay qorshaha uu ku joojin doono dagaalka Ukraine

Image

WASHINGTON - Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday qorshaha oo ku soo afjari lahaa dagaalka Ukraine muddo 24 saac gudahood, hadii uu ku guulaysto doorashada madaxtinimo ee soo socota. Isaga oo sheegay in dagaalkani aanu dhici lahayn hadii uu xilka sii hayn lahaa.

Wareysey oo siiyey warbaahinta "Fox News" ayuu Trump ku sheegay in uu xiriir wanaagsan la leeyahay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin. Wuxuuna intaa ku daray in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uusan awoodin inuu la macaamilo madaxda adduunka.

Madaxwaynihii hore ayaa ku tilmaamay Zelensky inuu yahay "qof xushmad mudan", halka uu si adag u dhaleeceeyay Biden, isagoo yiri: "Waxaan haysanaa nin aan wax fikrad ah ka lahayn waxa socda. Waana waqtigii ugu khatarta badnaa taariikhda dalkeena."

Mar wax laga weydiiyey qorshihiisa uu ku joojinayo dagaalka Ukraine 24 saac gudahood, Trump waxa uu sheegay:

"Waxaan fari lahaa Zelensky in uu heshiis la galo Ruushka. Waxaana sidoo kale u sheegi doonaa Putin, haddii aadan wax heshiis ah samayn, waxaan siin doonaa Ukraine hub in ka badan intii hore. Ka dib hal maalin gudaheed ayaan heshiiska dhameystiri doonaa".

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine sannadkii hore, Trump waxa uu ku celceliyay in dagaalku aanu dhici lahayn haddii uu sii ahaan lahaa madaxweynaha Maraykanka.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sidoo kale ammaanay madaxweynaha Ruushka oo uu ku sifeeyay qof garaadkiisu sarreeyo, wuxuuna sheegay in uu aad ugu wanagsanaa sida lala dhaqmo isaga iyo inta badan ee madaxda caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM