Trump oo Talooyin Siiyey Madaxweynaha Faransiiska Macron

Image

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa talooyin siiyey dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, kadib markii muuqaal faafay uu muujiyey xaaskiisa Brigitte oo wajiga ka dharbaaxaysa ka hor inta aysan ka degin diyaaradda ee magaalada Hanoi, Vietnam.

Markii la weydiiyey haddii uu talooyin u hayo Madaxweyne Macron, Trump ayaa kaftan u yiri, "Hubi in albaabka inuukuu  xiran yahay," isagoo ka hadlay muuqaalka laga duubay iyada oo albaabka diyaaradda uu furan yahay.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu la hadlay Macron, isagoo xaqiijiyey in "Macron iyo xaaskiisu ay yihiin dad wanaagsan."

Muuqaalkan ayaa markii hore lagu tilmaamay mid aan dagaal ahayn, oo caadi ah, laakiin waxaa jiray falanqeyn dheeraad ah oo ku saabsan sida uu u muuqday wajiga Macron iyo sida uu u qabtay gacantiisa xili carro ka muuqatay, taas oo keentay in aad loogu falan-qeeyo baraha bulshadda.

Dhowr maalmood kadib, Macron iyo xaaskiisa Brigitte ayaa si wadajir ah uga soo muuqday munaasabad lagu dabaaldegayey guusha kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain, iyagoo muujiyey midnimo iyo farxad.(New York Post)

Muuqaalkan ayaa noqday mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan waxa dhabta ah ee ka dambeeya dharbaaxadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM

Caalamka oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iran

Midowga Yurub ayaa ku tilmaantay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadda, halka dalal ay ka mid yihiin India.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 10:53AM