Trump oo Xayiraad dhanka Socdaalka kusoo rogaya dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Dowladda Maraykanka ayaa diyaarinaysa in ay soo rogto xayiraado socdaal oo ballaaran oo lagu soo rogi doono muwaadiniinta 43 dal, oo ay ku jirto Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah siyaasadda la soo nooleeyay ee xilliga madaxweynanimada Trump, taas oo diiradda saaraysa xoojinta xakameynta socdaalka iyo qaxootiga.

Sida uu qoray wargeyska The New York Times, Muwaadiniinta ka imaanaya dalalka Yemen, Liibiya, Suuriya, Soomaaliya, Sudan, Afgaanistaan, Bhutan, Venezuela, Iiraan, North Korea, iyo Cuba ayaa gabi ahaanba laga mamnuucay inay galaan Maraykanka.

Muwaadiniinta ka imaanaya dalalka Ruushka, Belarus, Haiti, Laos, Myanmar, Baakistaan, Sierra Leone, Turkmenistan, Eritrea, iyo South Sudan ayaa la kulmi doona baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan fiisaha, oo ay ku jiraan waraysiyo shaqsi ah oo waajib ah.

Dalalka Angola, Antigua iyo Barbuda, Benin, Burkina Faso, Vanuatu, Gambia, Jasiiradda Dominican, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Zimbabuwe, Cape Verde, Cambodia, Kamaruun, Koongo, Liberia, Mauritania, Malawi, Mali, São Tomé iyo Príncipe, Guinea, Saint Kitts iyo Nevis, iyo Chad ayaa wajahaya xayiraado aan waqti cayiman lahayn.

Qorshahan ayaa ka dambeeya amar fulineed oo uu madaxweynihii hore Trump saxiixay bishii January. Xayiraadaha cusub ayaa ayaa kusoo beegmaya xili Soomaaliya lagu cadaadinayo inay qaabisho qaxootiga Falastiin ee laga soo barakicinayo Gaza. Dowladda Soomaaliya ayaa diiday qorshahaas.

Dowladda Maraykanka weli ma caddeyn goorta siyaasaddan la dhaqan gelin doono ama haddii wax ka beddel lagu sameyn doono ka hor inta aan la hirgelin. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha aqoonta u leh arrintan ayaa muujinaya in isbedelada la sameyn doono gudaheedii toddobaadyada soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM