Trump “Ruushka waan ka caawinaynaa qaraxa St-Petersburg”

Image

Dowlada Maraykanka ayaa balanqaaday in ay Ruushka gacan ka siin doonaan baaritaanada qaraxani .

Madaxwayne dalka Maraykanka Donald Trump ayaa u balanqaaday dhigiisa Ruushka in xukuumaddiisu ay ka caawin doonto Moscow sidii cadaalada loo hor keeni lahaa kuwii ka danbeeyay qaraxii ka dhacay magaalada Labaad ee ugu weyn dalkaas.

Tirada dhimashada ayaa kor u kacday, waxaana la xaqiijiyay inay geeriyoodeen ilaa 11 qof, halka goobaha caafimaadka lagu daweeyay 50 qof.

Warbaahinta dalka Ruushanka ayaa baahisay in la aqoonsaday ruuxii ka dambeeyay qaraxaas oo la sheegay inuu ahaa 20 jir kasoo jeeda qaaradda Asia.

Wali waadax ah looma soo bandhigay sababta lagu aqoonsaday iyo xogtiisa oo dhammaystiran.

Basle maamulka magaalada St-Petersburg, ayaa sheegay in qaraxaas uu bambaano uu isku soo xiray ruuxa weerarka gaystay.

Weerarkan ayaa lala xiriirinayaa falalka Argagixisada, sida uu  Ra’isal wasaaraha dalkaas Dmitry Medvedev ku qoray bartiisa Facebook.

Madaxweyne Putin ayaa ku sugnaa magaalada St-Petersburg, markii uu qaraxu dhacay.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay ruusha 03 April, 2017.

Maamulka magaalada uu weerarku ka dhacay ayaa ku baaqay in la sameeyo saddex maalmood oo baroor diiq ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM