Tunisia oo gashay qalalaase siyaasadeedkii ugu xumaa.

Image
Ururka shaqaalaha UGTT ayaa ka fikiraya shaqo-joojin guud oo ay ku dalbanayaan "wadahadal isbadal dhab".

TUNIS, Tunisia – Booliiska Tuniisiya ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa u yeeray hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalkaasi jimcihii si su’aalo loo weydiiyo iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay tallaabadii Madaxweyne Kais Saied uu ku kala diray baarlamaanka laguna soo rogay xukun hal nin ah.

Rached Ghannouchi, madaxa xisbiga Ennahdha ahna afhayeenka baarlamaanka la kala diray, ayaa la kulmay booliiska ka dib markii baaritaanno lagu furay sharci-dejiyeyaal kale oo ka horyimid Saied.

Madaxweynaha ayaa dalbaday in baaritaanno la sameeyo kaddib markii xubnaha baarlamaanka ay Arbacadii yeesheen kulan online ah oo ay u codeeyeen in la laalo dhammaan tillaabooyinka degdegga ah ee uu soo rogay - inkastoo uu wareegto uu xagaagii hore ku hakiyay golaha.

Ghannouchi, oo 81 jir ah, ayaa lagu eedeeyay "in uu maleegay shirqool ka dhan ah amniga dowladda, taas oo ah tallaabo khatar ah", ayuu yiri afhayeenka xisbiga Imed Khemiri, oo sidoo kale loogu yeeray isla sababahaas.

Khamiistii, Ghannouchi wuxuu sheegay in ugu yaraan 30 xildhibaan ay su'aalo weydiiyeen booliiska la-dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay dadkii ka qeyb galay kalfadhiga, oo uu weheliyo Ghannouchi oo xafiiskiisa uu ku dhawaaqay tallabadaasi, in ay maleegayeen shirqool ka dhan ah amniga gobolka, waxa uuna ku amray waaxda cadaaladda in ay furto dacwado dhanka xubnaha baarlamaanka.

Bishii la soo dhaafay Saciid waxa uu la wareegay maamulka Garsoorka, isagoo bedelay golihii sare, kaasoo shaqadiisu aheyd xaqiijinta madax banaanida garsoorka, iyadoo garsoorayaal uu isagu soo xushay.

Tillaabooyinka Saied ayaa sare u qaadaya rajada laga qabo in la cabudhiyo mucaaradka iyadoo ciyaartoyga ugu waaweyn Tunisia ay si firfircoon uga soo horjeedaan isku daygiisii ahaa inuu dib u soo celiyo nidaamka siyaasadeed ee ay ugu yeereen afgambi.

"Waa isbedel lagu beegsanayo kuwa ka soo horjeeda," ayay tiri ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Samira Chaouachi.

Saied ayaa difaacay qabashadiisa inta badan awoodaha xagaagii la soo dhaafay sida lagama maarmaanka u tahay Tunisia si looga badbaadiyo musuqmaasuqa, kuwa madaxa adag ee sanado badan dalka u gaystay marxalad xun oo siyaasadeed iyo dhaqaale xumo.

Waxa kale oo uu ballan qaaday inuu ilaalin doono xuquuqda iyo xorriyadda lagu helay kacaankii 2011 ee dimuqraadiyadda keenay, ilaa hadda waxa yaraaday xadhig ama isku dayo lagu aamusiinayo dadka dhaliila.

Si kastaba ha ahaatee, goor dambe oo Khamiista ayuu Siciid sheegay in aanu wali ku dhawaaqi doonin doorashooyin cusub oo baarlamaanka inkasta oo la kala diray golaha, waxaanu ku weeraray kuwii ka qayb qaatay fadhigii Arbacada.

Mareykanka, oo ah deeq bixiye weyn oo Tuniisiya tan iyo kacaankii, ayaa ka dhawaajiyay inuu ka walaacsan yahay kala dirista Saied ee baarlamaanka iyo ku hanjabay inuu baarayo sharci-dajinta, wuxuuna ku booriyay "in si degdeg ah loogu soo laabto xukuumadda dastuuriga ah".

Saied waxa uu raadinayaa maaliyad caalami ah si uu u baajiyo qalalaase ku yimaada dhaqaalaha dadweynaha iyadoo uu sii kordhayo xanuunka dhaqaale ee Tuniisiya ka dib sannado badan oo khilaaf siyaasadeed.

Ururka shaqaalaha UGTT, oo ah hay'adda ugu awoodda badan siyaasadda dalka oo leh in ka badan hal milyan oo xubnood, ayaa ka fikiraya shaqo-joojin guud oo ay ku dalbanayaan wadahadal ku saabsan isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale labadaba. Waxay hore ugu boorisay Saied inuu kala diro baarlamaanka balse uu sidoo kale qabto doorashooyin degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM