Turkey: tahriibeyaal ku qariqmay marinka Bosphorus

Image

November 4, 2014 (GO)- Ugu yaraan 24 qof oo tahriibeyaal ahaa ayaa geeriyoodey kadib markii doon sidey ku dhowaad 40 qof ku degtey maal u dhow marinka Bosphorus ee Badda Madow.

Dadka geeriyoodey oo dhamaantood Afghanistan kasoo jeedey, waxaa lagu soo waramayaa inay ku jireen 7 haween ah iyo carruur tiradooda lagu sheegay 12.

Warbaahinta Turkiga ayaa baahisey in lix qof lasoo badbaadiyey 17  kalena la la'yahay inakstoo weli laamaha badbaadadu raadinayaan.

Doonta degtey oo kusii jeedey Midowga Yurub gaar ahaan dalka Romania, waxay ka shiraacatay Istanbul shalay oo Isniin ahayd.

Turkiga waxaa sanad walba ka tahriiba boqollaal qof oo Asian u badan, kuwaasoo ku wajahan wadamada Yurub si ay nolol fiican uga helaan.

Safarka halista ah ee lagaga gudbo Badda Dhexe iyo Badda  Madow waxaa sanad walba ku geeriyooda tobannaan muhaajiriin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM