Turkiga oo 92 ay ku jiraan saraakiil ku xukumay xabsi daa'n

Image

ANKARA, Turkey – Maxkamad ku taal Turkiga ayaa ku xukuntay 92 eedeysane, oo ay ku jiraan saraakiil ciidan hore oo sarsare, xabsi daa'in Arbacadii kadib doorkii ay ka qaateen isku daygii afgambi ee 2016, sidda ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu oo ay dowladdu leedahay.

In ka badan 250 qof ayaa lagu diley isku daygii inqilaabka dowladda bishii Luulyo 15, 2016 markii cutubyo kamid ah askarta u dhaqaajiyeen diyaaradaha dagaalka, helikobtarada iyo taangiyada inay la wareegaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

"Xukunno xabsi daa’in ah oo aan sii-dayn ayaa la duldhigay 12 eedeysane oo ay ku jiraan qaar ka mid ah madaxda waaxyaha ciidamada dhulka," ayuu daabacdey Anadolu.

Bishii la soo dhaafay, maxkamad ayaa xabsiyo kala duwan ku xukuntay hoggaamiyeyaasha isku daygaas afgambi oo ay Ankara ku eedeysay taageerayaasha wadaadka deggan Mareykanka, Fethullah Gulen, kaasoo dhankiisa iska fogeeyay in uu kaalin ku lahaa.

Anadolu ayaa wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu kasoo xigatay in ilaa 292,000 oo qof ayaa loo xiray eedo ku aadan inay xiriir la leeyihiin Gulen. Ku dhowaad 100,000 kamid ah waa maxkamadeyn sugeyaal.

Ilaa 150,000 oo shaqaale dowladeed ah ayaa shaqada laga ceyriyay ama laga joojiyay isku daygaas afgambi kadib.

Maxkamaduhu waxay rideen xukuno in ka badan 2,500 oo xabsi daa'in ah, sidda ay shaacisay wasaarada difaaca oo intaas ku dartey in 20,833 qof laga saaray ciidamadda militariga inqilaabkaas fashilmay awadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM