Turkiga oo askar looga dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Iraq

Image
Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa falka lagu khaarijiyey askarta ku qeexdey "shil".

ANKARA, Turkey - Afar askari oo Turki ah ayaa lagu dilay iska horimaad dhexmaray iyaga iyo dagaalameyaal ku sugan waqooyiga Ciraaq, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga waddanka Turkiga.

Wasaaraddu waxay sheegtay galinkii dambe ee Axadii in shilkan uu ka dhacay gobol uu Turkigu ka waday hawlgal xuduudeed oo lagu magacaabo Claw-Lock.

Turkiga ayaa si joogto ah howlgalo uga fuliya Ciraaq, oo dhacda xuduudeeda koonfureed, taasoo qeyb ka ah weerarada ka dhanka ah xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) ee fadhigoodu yahay gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq.

PKK ayaa bilaabay kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dawladda Turkiga 1984-kii, iyaga oo markii ugu horreysay raadinayay madax-bannaani. In ka badan 40,000 oo qof ayaa lagu dilay iska-hor-imaadka.

Kooxdan oo aan wali ka jawaabin dhawaqa kasoo yeeray xukuumadda Ankara waxaa koox "argagixiso" u aqoonsan Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Hawlgallada militari ee Ankara ee waqooyiga Ciraaq ayaa waxaa dhaleeceeyay dowladda Ciraaq, oo ku eedeysay Turkiga inuu ku guuldareystay inuu ixtiraamo madaxbanaanida dhuleed ee Ciraaq.

Baqdaad ayaa sheegay in Turkigu uu "si bareer ah ugu xad-gudbay" madax-banaanida Ciraaq waxayna u yeereen safiirka Ankara u fadhiya caasimada ka dib markii weerar lagu qaaday goob dalxiis oo ku taal gobolka Duhok.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM