Turkiga oo farta ku fiiqay cidda ka dambeysay qaraxii Istanbul

Image
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wuxuu shaaca  dhigay in dambiilayaasha la ciqaabi doono.

ISTANBUL, Turkey - Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay 81 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada Istanbul, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.

Qaraxa ayaa dhacay abaare 16:20 xiliga maxaliga ah (13:20 GMT) isagoo ka dhacay waddo laga dukaameysto oo ku taal fagaaraha Taksim, sida uu sheegay gudoomiyaha magaalada Turkiga Cali Yerlikaya.

Eedeysane ayaa hadda la xiray, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wuxuu shaaca  dhigay in dambiilayaasha la ciqaabi doono.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul, ayaa wuxuu cambaareeyay waxa uu ugu yeeray "Weerarka foosha xun" oo uu sheegay in "urur argagixso" uu ka dambeeyay.

Madaxweyne ku xigeenka Fuat Oktay ayaa mar sii horeysay wuxuu carabka kua dkeeyay in qaraxa loo maleynayo in ay fulisay qof dumar ah balse baaritaan uu socdo.

Wasiirka cadaalada Bekir Bozdag oo la hadlay warbaahinta Turkiga ayaa tibaaxay in haweeneyda ay fadhiday kursi ku yaala xaafadaasi in ka badan 40-daqiiqo, iyadoo daqiiqado ka hor ay ka hartay qaraxa.

Dhankiisa, asiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ayaa ka dhawaajiyey in qofka laga shakiyey uu goobta kaga tagay bam ay heleen ciidanka, wuxuuna ku eedeeyay xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK).

PKK waa koox mintidiin ah oo ku baaqaysa in la helo dawlad madax banaan oo Kurdiyiinta ah oo ka tirsan Turkiga. Dowladaha Midowga Yurub iyo waddanka Maraykanka ayaa kooxdan u aqoonsadey urur argagixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM