Turkiga oo farta ku fiiqay cidda ka dambeysay qaraxii Istanbul

Image
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wuxuu shaaca  dhigay in dambiilayaasha la ciqaabi doono.

ISTANBUL, Turkey - Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay 81 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada Istanbul, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.

Qaraxa ayaa dhacay abaare 16:20 xiliga maxaliga ah (13:20 GMT) isagoo ka dhacay waddo laga dukaameysto oo ku taal fagaaraha Taksim, sida uu sheegay gudoomiyaha magaalada Turkiga Cali Yerlikaya.

Eedeysane ayaa hadda la xiray, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wuxuu shaaca  dhigay in dambiilayaasha la ciqaabi doono.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul, ayaa wuxuu cambaareeyay waxa uu ugu yeeray "Weerarka foosha xun" oo uu sheegay in "urur argagixso" uu ka dambeeyay.

Madaxweyne ku xigeenka Fuat Oktay ayaa mar sii horeysay wuxuu carabka kua dkeeyay in qaraxa loo maleynayo in ay fulisay qof dumar ah balse baaritaan uu socdo.

Wasiirka cadaalada Bekir Bozdag oo la hadlay warbaahinta Turkiga ayaa tibaaxay in haweeneyda ay fadhiday kursi ku yaala xaafadaasi in ka badan 40-daqiiqo, iyadoo daqiiqado ka hor ay ka hartay qaraxa.

Dhankiisa, asiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ayaa ka dhawaajiyey in qofka laga shakiyey uu goobta kaga tagay bam ay heleen ciidanka, wuxuuna ku eedeeyay xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK).

PKK waa koox mintidiin ah oo ku baaqaysa in la helo dawlad madax banaan oo Kurdiyiinta ah oo ka tirsan Turkiga. Dowladaha Midowga Yurub iyo waddanka Maraykanka ayaa kooxdan u aqoonsadey urur argagixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM