Turkiga oo furay buundo isku xirta qaaradaha Yurub iyo Aasiya

Image
Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in gaadiidka isticmaalaya buundadan laga qaadi doono lacag dhan $13.50.

ANKARA, Turkey - Madaxweyne Tayyip Erdogan ayaa xariga ka jaray Jimcihii buundo dheer oo dhex marta marinka Dardanelles taas oo noqoneysa mashruucii ugu weynaa ee kaabayaal dhaqaale ah oo uu mudnaan siiyay tan iyo intii uu xukunka hayey.

Tani ayaa qayb weyn ka qaadan doonta isku xirka xeebaha Turkiga, Yurub iyo Aasiya iyada oo horaan la isticmaali jiray Buundada Canakkale oo 1,915 ay dhiseen shirkado laga leeyahay Turkiga iyo Kuuriyada Koonfureed waxaana ku baxday aduun lacageed oo gaaraya $2.8 bilyan.

Mashaariicda noocan ah ayaa udub dhexaad u ahaa guulaha Erdogan tan iyo markii xisbigiisa AK uu talada dalka qabtay sanadii 2002, ayaga oo lagu xasuusto dhismihii garoonka diyaaradaha ee Istanbul, jidka tareenada iyo wadooyinka dhulka hoostiisa mara.

Erdogan oo mar ka hadlayay xafladda furitaanka sanadguurada guushii ciidamada badda ee Cusmaaniyiina ay ka gaareen ciidamadii Faransiiska iyo Ingiriiska intii lagu guda jiray dagaalkii koowaad ee aduunka ayaa yiri: "Mashruucan waxuu sanado badan faa’iido u noqon doonaa dowladda, waxayna qayb weyn ku leeyahay maalgashiga iyo dhoofinta".

Sanadkii hore waxa uu bilaabay mashruuc uu ugu magacdaray "Crazy Project" oo ahaa dhismihii kanaalka Istanbul kaas oo ku kaceysay $15 bilyan waxaana loogu talo galay in uu culayska ka yareeyo marinka mashquulka badan ee Bosphorus Strait.

Si kastaba ahaatee, waxaa jira dad dhaleecayey iyaga oo shaki galinaya sida mashruucani u shaqeyni karo marka loo eego dhaqaale xumada ka jirta dalka.

Ra’yi aruurin la sameeyay ka hor doorashooyinka 2023-da ayaa waxaa lagu ogaaday in shacbiyadda Erdogan iyo Xisbigiisa ay hoos u dhacday, taas oo sare u qaadeysa rajada mucaaradka ee ah in ay talada dalka qabtaan.

Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee CHP ayaa cambeerayay lacagta ku kacday buundada, iyadoo warbaahintu sheegayaan in heshiiska uu ahaa bixinta lacag sanadla ah oo gaareysa $420 milyan taas oo la siinayo hawl-wadeennada iyada oo wadarta guud ka dhigeysa $6.6 bilyan.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in gaadiidka isticmaalaya buundadan laga qaadi doono lacag $13.50 ah. Shaqada mashruucan ayaa bilaabatay bishii Maarso 2017, waxaana ka qayb qaatay 5,000 oo shaqaale ah.

Tani ayaa noqoneysa buundada afaraad ee Turkiga ku xirta xeebaha Yurub Aasiya. Dherirka taawarkeeda waa 318 mitir, wadarta dherirkeedana waa 4.6 kiilomitir.

Gaadiidka isaga kala gooshi jiray Anatolia iyo gacanka Gallipoli ayaa ku qasbanaa in ay qaataan doomo, safarkaas oo muddo saacad ah qaadan jiray waxaana sidoo kale xusid mudan in ay sugi jireen 5 saacadood. Dadka rayidka ah ee doonaya in ay wadadan isticmaalaan ayay ku qaadan doontaa 6 daqiiqo in ay ugu gudbaan dhanka kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM