Turkiga oo guluf cirka iyo dhulka ah ka bilaabay waqooyiga Ciraaq
ANKARA, Turkey - Turkiga ayaa ku dhawaaqay in uu bilaabay olole cusub oo dhulka iyo cirka ah kaas oo uu ka bilaabay waqooyiga Ciraaq Isniintii, iyagoo ku bartilmaameedsanayo fallaagada hubaysan ee xisbiga Kurdistan Workers’ Party (PKK).
Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in weerarkan uu yahay mid horudhac ah oo looga hortagayo in PKK ay Ciraaq u adeegsadaan saldhig ay kasoo abaabulaan weeraro ay ka geystaan Turkiga.
PKK oo la aas aasay 1984-kii si ay ugu dagaalanto ismaamulka Kurdiyiinta, ayaa waxa ay Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub u aqoonsan yihiin urur argagixiso ah.
Hawlgalkan cusub ayaa imaanaya maalmo un kadib markii Raysal Wasaaraha Kurdistaan ee Ciraaq, Masruur Barzani uu magaalada Ankara kula kulmay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka dhinacyada amniga iyo ganacsiga, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Barzani.
Wasiirka difaaca Turkiga, Hulusi Akar ayaa yiri “Howlgalkeenu wuxuu ku socdaa sidii loogu tala galay.
Dhanka kale, bayaan ay soo saareen dagaalyahannada PKK waxay ku sheegeen inay soo rideen laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, ayna dileen in ka badan labaatan askari oo Turki ah.
Ciidamada Turkiga ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah PKK ka fuliyay gudaha Turkiga iyo Waqooyiga Ciraaq. Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaano ku dhow degmada Shiladze ee magaalada Amedi.
Duqa magaalada Amedi, Warsheen Mayi, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgallada aan lagu bartilmaameedsan goobo ay dad rayid ah degan yihiin laakiin Iqbal Omer, oo ah wariye madax banaan, ayaa sheegay in hanti dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen duqeyntii ugu dambeeyay.
Danaha Turkiga ee waqooyiga Ciraaq ayaa dhaafsiisan la dagaalanka kooxda PKK. Turkiga ayaa saami dhaqaale oo weyn ku leh gobolka, gaar ahaan qaybta tamarta, isagoo sidoo kale doonaya inuu ballaariyo saameynta uu ku leeyahay gobolka si uu uga hortago awoodda sii kordheysa ee Iran.
Khubarada qaar ayaa soo jeediyay in Kurdistan oo lagu qiyaaso inuu haysto 700 bilyan kuyuubik mitir (25 trillion cubic feet) oo gaasta dabiiciga ah, ay noqon karto qayb weyn oo tamarta siisa Turkiga iyo Yurub iyada oo dunidu isku dayeyso in ay iska yareyso ku tiirsanaanta gaaska Ruushka.
Nahro Zagros oo ah xubin sare oo aan deganayn machadka Dahabka ee Istaraatiijiyada Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Washington ayaa tiri "Yurub waxay raadinayaan qaab cusub oo ay gaaska u geeyaan Yurub."
GAROWE ONLINE