​Turkiga oo qabtay 400 oo xiriir la leh Daacish

Image

Saraakiisha Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay inay qabteen 400 oo ay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin Ururka Daacish ee ka dagaalama Iraq iyo Syria.

Dadkan oo qaarkood ah Ajbaniyihiin ayaa lagu qabtay howlgallo lagula dagaallamayo Argagaxisada oo laga sameeyay lix gobolka oo kamid ah dalkaasi.

Ciidamada Turkiga waxay sheegeen inay xoojiyeen amniga waxii ka dambeeyay weerarkii Daacish ka geesteen Hotel-ka Reina ee magaalada Istanbul billowga sanadkan.

Ururka Daacish ayaa qiratay weerarka Reina oo ay ku dileen dad kasoo jeedo waddamada reer galbeedka, oo ka qeybgalayay dabaaldega sannadka 2017-ka.

Barlamanka Turkiga ayaa siiyay Madaxweyne Erdogan Awoodo dheeraad ah, si uu wax uga qabto amni darrada iyo weerarada dalkaasi oo ay geysanayaan PKK iyo Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM