Turkiga oo sheegtey in uu Suuriya ku khaarijiyay "amiirkii Daacish"

Image
Madaxweynaha ololaha doorasho ku jira Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhawaaqay talaabadan.

ISTANBUL, Turkey - Madaxweynaha ololaha doorasho ku jira Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ciidamadda dalkiisa ay dileen "amiirkii" garabka kooxda Daacish ee waddanka Suuriya.

Abuu Xuseen Al-Qurayshi ayaa la sheegay in uu hogaanka kooxda la wareegay kadib markii la dilay dayrtii ina dhaaftay hogaamiyihii ka horeeyay, Abu Ibraahim Al-Hashimi al-Qurayshi.

Mr Erdogan ayaa u sheegay warbaahinta TRT Turk in hogaamiyaha ISIL uu “lagu khaarijiyey” howlgal ay fuliyeen ciidamadda hay’adda sirdoonka Turkiga ee MIT Sabtidii todobaadkan.

"Hay'adda sirdoonka ee MIT waxay ku raad-joogtey Qurayshi muddo dheer," ayuu hadalkiisa ku daray Erdogan wallow uusan bixin fahfaahin ku saabsan meesha uu howlgalka ka dhacay.

Madaxwayne Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay: "Waan sii wadi doonnaa halganka aan kula jirno ururada argagixisada iyadoo aan la kala soocin".

Ilo wareedyo Suuriyaan ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay waqooyiga magaalada Jandaris oo ku dhow xadka Turkiga.

Bishii November ee la soo dhaafay, kooxda ISIL ayaa ku dhawaaqday geerida hogaamiyahooda, Abu al-Hassan al-Hashemi al-Qurayshi. Maraykanka waxa uu sheegay in lagu dilay hawlgal dhacay bartamaha bishii Oktoobar 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM