Turkiga oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Al-Asad

Image
SAWIR HORE

ANKARA, Turkiga - Wax u muuqda jawaab toos ah oo ku aadan hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad, Wasiirka Difaaca Turkiga Yasar Guler ayaa maanta sheegay in dalkiisa uusan qorsheyneynin inuu ka baxo Suuriya.

Bashaar Al-asad ayaa horay u sheegay in uusan la kulmi doonin madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ilaa ciidamada Turkiga ay ka baxaan dhulka Suuriya.

Isagoo ku nuuxnuuxsaday in Erdogan uu doonayo inuu sharciyeeyo gumeysiga uu dalkiisa ku wado. Waxa uu sidoo kale sheegay in kulanka ka dhaxeeyo labada dhinac uusan ku dhici karin shuruudo oo Erdogan dhigay.

Halka Wasiirka Difaaca Turkiga, Yasar Guler, uu ku sheegay wareysi uu siiyay kanaalka Turkiga "A Haber" in dalkiisa uu nabad la rabo Suuriya.

Guler waxa uu sheegay in Madaxweyne Erdogaan uu si daacad ah uga shaqaynayo sidii nabadaasi loo gaari lahaa, wuxuuna intaas ku daray:

"Ma ahan wax caqli-gal ah inaan ka baxno Suuriya anaga oo aan dammaanad qaadin amniga xuduudeena iyo dadkeena."

Waxa uu sidoo kale sheegay in tallaabada ugu muhiimsan ee nabad lagu gaari karo Suuriya ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, shacabkana ay aqbalaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM