Turkiga oo Soomaalida "u tahriibiya" Gariiga

Image

ANKARA, Turkey – Dowladda Giriiga ayaa Talaadadii ku eedeeyay Turkiga inuu dhiirrigelinayo tahriibka Soomaalida una marayo qaabab ay kamid yihiin u fududeynta fiisaha, ka dibna u oggolaado muhaajiriinta inay u sii gudbaan Griiga.

Athens waxay muddo dheer ku eedeyneysay Ankara in ay hub ahaan u adeegsato tahriibka si ay cadaadis ugu saarto Midowga Yurub.

Turkiga ayaa ka gadoodsan in Midowga Yurub uusan ka helo taageero aan ku filneyn si uu u maareeyo nolosha ilaa afar milyan oo muhaajiriin ah, kuwaas oo badankood doonaya in ay u safraan qaarada Yurub.

Bilihii Febraayo iyo Maarso, waxaa jiray dagaallo maalmo socday oo u dhexeeya muhaajiriinta iyo booliska xudduudda Giriigga iyo Turkiga kadib markii ay kordheen kacdoonka ay dowladda Giriiggu sheegtay inay soo abaabushay Turkiga.

"Soomaaliya, waxaan fahamsanahay in mas'uuliyiinta Turkiga, wasaaradda waxbarashada iyo wasaaradaha kale, ay kor u qaadayaan u socdaalka Turkiga," ayuu wasiirka socdaalka Notis Mitarachi ku sheegay shir jaraa'id.

Isaga oo tixraacaya caddeymo la sheegay in laga helay muhaajiriinta Soomaalida ah, Mitarachi wuxuu tibaaxay in codsadayaasha ay “fududeyn ka helaan” xafiiska xiriirka Turkiga ee Muqdisho si gaar ah fiisooyin ku saleysan shahaadooyin iyo dukumiintiyo ay bixiyeen hay’adaha uu Turkigu maal-galiyo ee Soomaaliya.

Isaga oo tixraacaya markhaatiga la sheegay in laga helay muhaajiriinta Soomaalida ah, Mitarachi wuxuu sheegay in codsadayaasha ay “u fududeeyeen” xafiiska xiriirinta Turkiga ee Muqdisho inay helaan fiisooyin ku saleysan shahaadooyin iyo dukumiintiyo ay bixiyeen hay’ado uu Turkigu maal-galiyo Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, goobaha fududeeya tahriibka Soomaalida waxaa kamid ah isbitaal iyo jaamacad ku taala magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

"Waxaan fahamsanahay in dad gaaraya 300 oo qof ay sidan oo kale ugu soo duuleen Turkiga," ayuu yiri Mitarachi. "Dadkani waxay si sharci ah ku yimaaddeen dalka Turkiga, ujeedkooduna waa u tahriibinta Yurub sharci darrada ah".

Wasiirka ayaa intaas ku daray: "Markii ay Soomaalidu gaaraan Istanbul, waxaa loo gawaari lagu geeyaa meelaha gaarka ah ee magaalada halkaasoo ay joogaan illaa laga diyaarinayo in ay gaaraan xeebta galbeedka Turkiga".

“Waa iska cadahay in dadkani aysan qatar ku aheyn Turkiga sidaa darteedna ay tahay in halkaas magangalyo laga siiyo, hadii ay haboon tahay. Waa wax laga walwalo in Turkigu u muuqdo inuu fududeynayo imaatinka muhaajiriintan isaga oo raalli ka ah bixinta fiisooyinka safarka," ayuu caddeeyay.

Soomaalida magangalyo doonka ah ayuu ka dhawaajiyey in ay adeegsadaan tikidho iyo fiiso ay bixiyaan hay'adda NGO ah. Balse ma carabaabin.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ankara iyo Muqdisho kuna aadan eedeymahan.

Illo ka tirsan wasaaradda socdaalka ee Giriigga ayaa Arab News u sheegay in caddeymahan laga soo qaaday Soomaali ka badbaaday muhaajiriin dooni la degtay 2-dii Diseembar halkaasoo ay ku dhinteen laba haween ah.

Athens waxay ku eedeysay ilaalada xeebaha Turkiga inay ku guuldaraysteen inay caawiyaan doonta, taasoo ay carabka ku dhufteen in ay wadayaasha ay qaylo-dhaan muujiyeen intii ay ku guda jireen biyaha Turkiga.

Hasa ahaatee, Turkiga ayaa ku eedeeyay Giriiga in uu dib u soo celiyo doonta, wuxuuna talaabadaas ku sifeeyay "sharci darro".

Talaadadii, ilaalada xeebaha ee Ankara waxay sheegeen inay badbaadiyeen ugu yaraan 69 magangalyo doon ah oo doomahoodii la sheegay inay ilaalada xeebaha Giriiga dib ugu soo celiyeen biyaha Turkiga.

Mitarachi ayaa Talaadadii ka dhawaajiyey in Athens ay "aad ugu faaneyso" dadaalada badbaadinta nafta ee ilaalada xeebaha Giriiga.

"Waxaan rumeysanahay inaysan jirin dib u celin dhacday, taasi waa natiijada baaritaankayaga," ayuu yiri, isagoo raaciyey in baaritaan la mid ah oo ay sameysay wakaaladda xuduudaha Yurub ee Frontex lagu ogaadey "in aysan xeer-jebin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM