Turkiga oo xabsi u taxaabay boqolaal qof oo ay Soomaaliya ku jiraan

Image

ANKARA, Turkey – Booliska Turkiga ayaa wuxuu xiray 276 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaali ah, sidda Talaadada maanta uu ka dhawaajiyey taliska guud ee ciidamadda ilaaladda xeebaha waddankaas.

Sideed shaqsi oo isku dayey in ay dadkaan qaab tahriibin ah kaga saaraan Turkiga ayaa gacanta lagu dhigay; qabashadooda waxay timid markii ay markabkooda nooca xamuulka ah uu kusoo xirtay xeebta Aegean.

Sidda ay xusayaan warbaahinta, muhaajiriintaan ayaa kasoo kala jeeda wadamadda kala ah; Syria, Iran, Afghanistan, Bangladesh iyo Soomaaliya.

Wakaaladda wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu ayaa warisay in howlgalkaan lagu qabtay shaqsiyaadkaan uu maalmihii lasoo dhaafay socday.

Sawirro laga soo qaadey goobta lagu qabtay markabka ay la socdeen dadkaan ayaa muujinaya ciidamadda oo wada xiran af-saab [maaskaro].

Turkiga ayaa sanadihii lasoo dhaafay qaabilay boqolaal soogalooti ah kana soo cararay wadamadooda sabab la xiriirta colaad iyo shaqo la'aan; badankooda waa Suuriyaan, waxaana ay la kulmeen soo dhaweyn diiran.

Sababta Turkiga ka dhigtay marinka qaxootiga waa in uu xuduud la wadaago Greece, halkaas oo ay uga sii gudbaan qaaradda Yurub oo lakacaakufeysa sidii ay u joojin lahayd qulqulka qaxootiga oo Covid-19 uu hoos u dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM