Turkiga oo xabsi u taxaabay boqolaal qof oo ay Soomaaliya ku jiraan

Image

ANKARA, Turkey – Booliska Turkiga ayaa wuxuu xiray 276 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaali ah, sidda Talaadada maanta uu ka dhawaajiyey taliska guud ee ciidamadda ilaaladda xeebaha waddankaas.

Sideed shaqsi oo isku dayey in ay dadkaan qaab tahriibin ah kaga saaraan Turkiga ayaa gacanta lagu dhigay; qabashadooda waxay timid markii ay markabkooda nooca xamuulka ah uu kusoo xirtay xeebta Aegean.

Sidda ay xusayaan warbaahinta, muhaajiriintaan ayaa kasoo kala jeeda wadamadda kala ah; Syria, Iran, Afghanistan, Bangladesh iyo Soomaaliya.

Wakaaladda wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu ayaa warisay in howlgalkaan lagu qabtay shaqsiyaadkaan uu maalmihii lasoo dhaafay socday.

Sawirro laga soo qaadey goobta lagu qabtay markabka ay la socdeen dadkaan ayaa muujinaya ciidamadda oo wada xiran af-saab [maaskaro].

Turkiga ayaa sanadihii lasoo dhaafay qaabilay boqolaal soogalooti ah kana soo cararay wadamadooda sabab la xiriirta colaad iyo shaqo la'aan; badankooda waa Suuriyaan, waxaana ay la kulmeen soo dhaweyn diiran.

Sababta Turkiga ka dhigtay marinka qaxootiga waa in uu xuduud la wadaago Greece, halkaas oo ay uga sii gudbaan qaaradda Yurub oo lakacaakufeysa sidii ay u joojin lahayd qulqulka qaxootiga oo Covid-19 uu hoos u dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM