​Turkiga oo xusaya Sannad guuradii kasoo wareegtay Af-gambigii dhicisoobay

Image

ANKARA, Turkey- Hal Sano ayaa ka soo wareegatay markii uu fashilmay Afgembi ciidamada Militariga dalka Turkiga ay ku doonaya inuu jagada kaga xayuubiyo Madaxweynaha dalka Reccep Erdogan, kasoo markii dambi aan u dhicin sidii loogu talo galay.

Arrintaas oo ay is-hortaag ku sameeyeen shacabka dalkaas oo xayiray ciidamadii doonayay inay talada la wareegaan, ayaa maanta looga dabaal dagayaa dalka Turkiga.

Dhowr munaasabadood ayaa lagu maamuusayaa qorshahaas fashilmay kaasoo badankooda ka dhacay magaalooyinka Turkiga.

15-ka July ayaa waddankaasi looga asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa shir gudoomin doona kulan gaar ah oo uu maanta baarlamaanka Turkiga yeelan doono, ka hor inta aanu magaalada Istanbul uga qeybgalin isu soo bax ka dhici doona buundada Bosphorus, halkaasi oo dad diiddan isku-dayga afgembi ay habeenkii 15-ka July 2016 kaga hortageen askartii fulinaysay.

Ajandahaas fashilmay oo lagu eedeeyay wadaadka Baxsadka ah ee Fethullah Gulan, ayaa shaqada looga cayriyay in kabadan Todobo kun oo isugu jira, shaqaale dowladeed, aqoonyahanno iyo Saraakiil Booliis ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM