Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Image

Tehran, June 21 — Ugu yaraan 430 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, halka in ka badan 3,500 oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarada Israa’iil ee gudaha Iran tan iyo June 13, sida uu sheegay warbaahinta dowladda Iran ee Nour News, oo soo xiganaya Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas.

Warbixin kasoo baxday hay’adda Human Rights Activists News Agency (HRANA), oo fadhigeedu yahay Mareykanka kana shaqeysa dabagalka xuquuqda aadanaha ee Iran, ayaa sheegtay in tirada dadka la dilay ay gaartay 639, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sare oo milatari iyo saynisyahanno ka shaqeynayay barnaamijka nukliyeerka Iran.

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

Xiisadda iyo dagaalka ayaa cirka isku shareeray, iyadoo beesha caalamka ay walaac xooggan ka muujinayso suurtagalnimada dagaal ballaaran oo ka qarxa gobolka Bariga Dhexe ah, hadii Mareykanka kusoo biiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM

Taageerihii ugu weynaa ee Israel ee Senate-ka Mareykanka Lindsey Graham oo geeriyooday

Geerida Graham waxaa xaqiijiyay warbaahinno badan oo Mareykan ah, kuwaas oo soo xigtay bayaanka rasmiga ah ee xafiiskiisa.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 08:37AM