Uhuru oo la caleema-saarayo iyo Raila oo diiday ka qeybgalka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Kumanaan qof oo dadweyne ah, Madax ka kala socoto caalamka iyo Africa ayaa ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Madaxweyniyaasha 14 dal oo uu kamid yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ka qeybgalaya munaasabada oo ka dhacaysa Kasarani Sports Stadium.

Uhuru ayaa loo dhaarinayaa isaga iyo ku xigeenkiisa William Ruto xilka markale inay Kenya hogaamiyaan shanta sano ee soo socota, kadib markii ay ku guuleysteen doorashadii kuu celiska ee 26-kii October.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya David Maraga ayaa dhaarin doono Uhuru, isagoo kadib jeedin doono Khudbadiisa dastuuriga ah, taasi oo uu uga hadli doono qorshahiisa shanta sano ee soo socota.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa diiday inuu ka qeybgalo munaasabadda dhaarinta Uhuru, wuxuuna xisbigiisu shaaciyay in doorashadii ku celiska ahayd u dhacday si sharci darro ah.

Amaanka Nairobi, gaar ahaan Garoonka Kasarani ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan rabshado ay sameeyaan taageeriyaasha xisbiga mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM