UK: 22 qof Caruur ku jirto oo ku dhintey weerar Ismiidaamin ah

Image

Manchester-  22 qof Caruur yar yar ah ay ku jirto ayaa habeenkii xalay ku dhintey weerar ismiidaamin ah oo ka dhacey goob lagu daawanayey Heesaa u dhashay dalka Mareykanka magalaada Manchester cariga dalka Ingriiska.

Weerarkaan oo ay ku dhaawacmeen sidoo kale 59 qof ayaa waxaa fuliyey qof iska soo buuxiyey waxyaalaha qaraxa kasoo ciidamada amniga dalka Ingriiska diideen iney sheegaan halka uu ka yimid dhalasho ahaan iyo degaan-ba.

Heesaaga u dhashay dalka Mareykanka Ariana Grande ayaa dhameeyey riwaayadiisa markii qaraxan uu dhacacayey kaasoo la sheegey in lala beegsadey irida hore ee laga baxo goobtaas.

Dadka degaaan ahaan ka ag dhowaa goobta qaraxa ka dhacey ayaa sheegey in sharqan weyn laga maqley Halkaas taasoo ruxdey guryahoooda.

 Ra'isal wasaraha dalka Ingriiska Theresa May ayaa sheegtey in ciidamada amniga ka shaqeyn ayaan sidii loo ogaan lahaa dadkii ka dambeyeey werarkaan waxshimanimada ah.

Ururka ISIS ayaa sheegtey mas'uuliyada qaraxa habeenkii xalay ka dhacey dalka Ingriiska halkaasoo aheyd goob lagu daawanayey Heesaa u dhashay dalka Mareykanka.

Warkaan dib ayaa loogu darey sheegashada ururka ISIS. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM