UK iyo Japan oo ku heshiiyey kordhinta xayiraadaha Ruushka

Image
Talyaaniga iyo Danmark ayaa dhankooda ceyriyey diblamaasiyiin Ruush ah, iyadoo ay sii kordhayso carada caalamiga ah.

LONDON, UK – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Liz Truss ayaa sheegtay in iyada iyo dhiggeeda Japan Hayashi Yoshimasa ay ku heshiiyeen in cunaqabatayn dheeraad ah lagu soo rogo Ruushka.

Waxay sheegtay in dowladda wadan ay rumeysan yihiin "in bulshada caalamku ay tahay inay kordhiso cadaadiska madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo mishiinkiisa dagaalka".

Qoraal ay ka soo dhigtay barteeda Twetter-ka ayay ku sheegtay “Waxaan ku heshiinnay in beesha caalamku ay kordhiso cadaadiska Putin iyo mishiinkiisa dagaalka iyada oo la saarayo cunaqabatayn dheeri ah oo la isku dubariday”.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu ku eedeeyay ciidamada Ruushka in ay dileen 300 oo qof oo rayid ah magaalada Bucha xilli uu isku diyaarinayey inuu khudbad ka jeediyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Moscow waxay meesha ka saartay eedeymaha dambiyada dagaalka in ay ka gaysatay Ukraine iyada oo wararka Maraykanka ku sifaysay in ay  yihiin "dacaayad" iyada oo ku andacoonaysa majiraan rayid aan beegsanay.

Talyaaniga iyo Danmark ayaa dhankooda ceyriyeen dublamaasiyiin Ruush ah, iyadoo ay sii kordhayso carada caalamiga ah.

Duqa magaalada Kyiv ayaa ku booriyay quwadaha Yurub in ay xiriirka ganacsi u jaraan Ruushka, isaga oo sheegay in macaamilada hadda jira lagu fuliyo "lacag dhiig leh".

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in ay bartilmaameedsan karaan saliidda iyo waaxyaha dhuxusha ee Ruushka, halka Jarmalku uu ka digay in la gooyo gaaska Ruushka ee Yurub aysan wali suurtagal ahayn, inkastoo lagu baaqay fulinta qorshahaas.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu galay maalintiisii 41-aad, waxaana ku barakacay in ka badan 4.2 milyan oo Qaxooti Ukrain ah sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM