Ukraine oo si lama filaan ah u jiirtay difaacyadda Ruushka

Image
Ciidamada Ruushka ayaa goobaha dagaalka uga tagay kumanaan kayd rasaas ah iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

LONDON, United Kingdom - Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya dagaalka ka socda dalka Ukraine ayaa sheegaya in ciidamada dalkaasi ay dib ula wareegeen magaalooyin iyo deegaano muhiim ah oo horey u qabsadeen ciidamada Ruushka.

Ciidamada Ukraine ayaa qabsaday magaaladii ugu weynayd ee difaaca Ruushka ahayd Izyuk, kana tirsan gobolka Kharkhiv kadib markii sida la sheegay ay si lama filaan ah halkaasi isaga baxeen ciidamada Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa goobaha dagaalka uga tagay kumanaan kayd rasaas ah iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Wasaaradda gaashaandhigga Ukraine ayaa baahisay muuqaalo calanka dalkaasi oo laga taagayo meelaha dib loola wareegay, waxayna wasaaradda sheegtay in ay kusii soconayaan magaalooyinka u dhiman.

Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa sheegeysa in Ruushka uu ciidamadiisa ku amray in ay isaga baxaan aagaasi si ay u xoojiyaan dagaalka gobolka kale ee Donetsk.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in ciidamadiisa ay xoreeyeen masaafo dhan 2 kun oo KM tan iyo intii ciidamada gaarka ah ee Ukraine ay bilaabeen hawlgalka gaarka ah horraantii bishan.

Magaaladan laga saaray Ruushka ayaa markii ay qabsanayeen waxa ay ku qaadatay muddo 6 todobaad ah oo dagaal ah. Haatan saraakiisha Ukraine ayaa u dabaal dagaya guusha iyaga oo baraha bulshada kusoo bandhigaya sawirka sabiibka oo ah magaca magaalada marka la turjumo.

Ukraine ayuu saaranyahay cadaadis ah in ay guul ka gaaraan dagaalka ka hor inta aanan la galin xilliga qaboobaha oo wax badan ah hakan doonaan. Wasiirka Arrimaha dibedda Ukraine ayaa sheegaya in dagaalka uu ka caawiyay hubka ay reer Galbeedka siinayaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM