Ukraine: Qaraxyo maanta ruxay magaalooyinka waawayn
KYIV, Ukraine – Maamulka Ukraine ayaa sheegay in gantaallo lagu garaacay Lviv aroornimadii maanta oo isniinta halka qaraxyo waaweyn ay ruxeen magaalooyin kale iyadoo ciidamada Ruushka ay sii wadeen duqeymaha ka dib markii ay sheegeen in ay si buuxda gacanta ugu hayaan dekedda istiraatiijiga ah ee koonfurta Mariupol.
Militariga Ruushka oo iska caabin kala kulmay ciidanka Ukraine ayaa hakiyay weerarkii ay ku haayeen magaaladda Donbas, halka ay weerarro duqaymo ah ay ku haayaan goobo kale oo ay ku jirto caasimadda Kyiv.
Duqa magaalada Lviv Andriy Sadoviy ayaa sheegay in shan gantaal ay ku dhaceen galbeedka magaalada aroornimadii isniinta. Ma cadda haddii ay jiraan wax khasaare ah oo halkaasi ka dhacay.
Magaalada Kyiv, wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa maqlay qaraxyo xiriir ah oo ka dhacay agagaarka wabiga Dnipro. Maamulka deegaanka ayaan wali wax xog ah ka bixin waxyeelada ka dhashay.
QAYLO-DHAANTA ZELENSKIY
Sida ay sheegtay warbaahinta Suspilne, laba qof ayaa ku dhaawacmay weerarro ka dhacay gobolka koonfurta Dnipropetrovsk.
18 qof ayaa ku dhintay in ka badan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo afartii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay waqooyiga bari ee magaalada Kharkiv, sida uu sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.
"Tani ma aha wax aan ahayn weeraro argagixiso ula kac ah: madaafiicda, duqaymaha guryaha caadiga ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah," ayuu yiri goor dambe oo Axadii ah.
Ruushka ayaa beeniyay in la bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah, waxaana uu diiday waxa Ukraine ay ku sheegtay in ay cadeyn u tahay gabood-fallada la qorsheeyay in lagu waxyeeleeyo wadahadallada nabadda. Waxa ay ku tilmaantay tillaabo ay qaaday ku dhawaad laba bilood ka hor, hawlgal milatari oo gaar ah oo lagu doonayo in lagu cirib tiro waxa ay ugu yeertay wadaniyiinta khatarta ah.
Reer Galbeedka iyo Kyiv waxay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku eedeeyaan inuu talaabo gardaro ah ku kacay.
DAGAALKA MARIUPOL
Ra'iisul wasaaraha Ukraine Denys Shmyhal ayaa sheegay in ciidamada ku sugan dekedda la burburiyay ee Mariupol ay weli dagaalamayaan Axaddii, inkastoo uu dalbaday Ruushka inuu isa soo dhiibo.
"Magaaladu wali may dhicin," ayuu u sheegay barnaamijka "Toddobaadkan" ee ABC, isaga oo intaa ku daray in askarta Ukraine ay sii wadeen gacan ku haynta qaybo ka mid ah koonfurta bari ee magaalada.
Sabtidii, Ruushku wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan magaalooyinka, iyadoo qaar ka mid ah dagaalyahannada Ukraine ay ku hareen birta Azovstal ee ku taal badda Azov.
Qabashada Mariupol waxay u noqon doontaa abaal-marin istaraatiiji ah oo Ruushku leeyahay, iyadoo isku xiri doonta dhulka ay haystaan gooni-goosadka Ruushka taageersan ee bariga iyo gobolka Crimea ee Moscow oo lagu daray 2014-kii.
Ilaa afar milyan oo reer Ukrain ah ayaa ka qaxay dalka, magaalooyinku waa la burburiyay kumanaanna way ku dhinteen tan iyo markii uu billowday duullaanka 24-kii Febraayo.
GAROWE ONLINE