​UN: Yemen waxaa ka dillaacay daacuunkii ugu xumaa

Image

QM ayaa sheegeysa in tirada kiisaska loga shakisan yahay cudurka daacuunka ee dalka Yemen ay kor u dhaaftay labo boqol oo kun.

War ka soo baxay ururka caafimaadka adduunka ee WHO iyo hay'adda carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in dalku uu wajahayo xaaladda daacuunkii ugu xumaa ee dunida soo mara.'

Labadan hay'adood ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ay si weyn ula tacaalayaan joojinta xanuunka daacuunka ee ka dillaacay Yemen, kaasi oo si xowli ah u faafaya.

Hay'addaha ayaa ku howlan ka jawaab celinta daacuunka, waxaana shaqaalaha gurmadka la geeyay dhammaan xaafadaha, iyaga oo ku wacyigalinaya dadka sidii ay isaga ilaalin lahayaayeen xanuunka sida iyaga oo ku dadaalaya nadaafada keydsadaana biyo nadiif ah.

Balse kooxaha gurmadka siinaya dadka ayaa wajahaya caqabada waa weyn. Laba sano oo dagaal sokeeye uu ka soconayo Yaman ayaa dagaaladu waxa ay burburiyeen goobaha adeega caafimaadka iyo hanaanka fayadhowrka ee dalkaasi.

Cuno yari ba'an oo ka jirta Yemen ayaa sababtay nafaqa darro, ka dhigtay dadka Yaman gaar ahaan caruurta kuwa u nugul cudur kasta. Inka badan saddex boqol oo qof ayaa ilaa iyo haatan u dhimatay xanuunka daacuunka.

BBC

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM