UNICEF oo Ka Digtay Saamaynta Ba’an ee Dagaalka Lubnaan Ku Yeeshay Carruurta

Image

BEIRUT (Garowe Online) – Hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa ku dhawaaqday in dhibaato aad u weyn ay ka soo gaareyso carruurta Lubnaan dagaalka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah, halkaas oo ugu yaraan hal cunug la dilo maalin kasta tan iyo bishii lasoo dhaafay.

Agaasimaha Fulinta UNICEF, Catherine Russell, ayaa sheegtay in carruurta la kulmayaan cabsi xooggan iyo welwel sare u kacay, oo ay ku jiraan baqdin, cabsi iney wayaan qoyskooda iyo  dhibaatooyinka dhinaca maskaxda ah. “Shaqaalaha UNICEF waxay arkeen carruur argagax ka muuqdo, dhibaato kala kulmaya kalinimada, madax xanuun joogto ah, hurdo la’aan iyo cuntada oo ay diidayaan,” ayay tidhi Russell. “Caruurtani waa la’ yihiin amaan iyo deegaan deggan oo ay wax ku bartaan iyo mid ay ku ciyaaraan oo uga bogsadaan saamaynta dagaalka.”

Dagaalka sii socda ayaa sababay in 166 carruur ah la dilo, halka 1,168 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalku cirka isku sii shareeray bishii Agoosto, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha ee Lubnaan. Russell ayaa ku baaqday in deg deg loo soo afjaro dagaalka si carruurta ay u helaan xasilooni, iyada oo tilmaantay in daaweynta dhabta ah ay billaaban karto oo kaliya marka rabshadaha la soo afjaro.

Dhinaca kale, madaxda sare ee Mareykanka, oo ay ku jiraan ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Joe Biden ee nabadda Bariga Dhexe, Amos Hochstein, ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan madaxda Israa’iil Khamiistan, si ay uga wada hadlaan heshiis laga gaaro colaadda Lubnaan.

Raysal Wasaaraha xilka sii haya ee Lubnaan, Najib Mikati, ayaa Arbacadii ka hadlay rajo laga qabo in xabad joojin dhowaan lagu dhawaaqo, isagoo sheegay in ay dhici karto “saacadaha ama maalmaha soo socda.” Hogaamiyaha cusub ee Xisbullah, Naim Qassem, ayaa isna sheegay in kooxda uu hoggaamiyo ay aqbali doonto xabad joojin haddii shuruudo gaar ah loo fuliyo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dad ku dhintay diyaarad ku burburtay dalka Kazakhstan

Aktau waxay ku taal xeebta ka soo horjeeda ee Badda Caspian ee dalalka Asarbayjan iyo Ruushka.

  • Caalamka

    25-12-2024

  • 01:02PM

Mareykanka oo ka laabtay $10 milyan oo dul-dhigtay madaxa Hogaamiyaha Suuriya

Beesha caalamku waxay sidoo kale ku degdegtay inay taageerto mabaadi'da loogu talagalay in lagu hago dawladda cusub ee Suuriya.

  • Caalamka

    21-12-2024

  • 09:26AM