Ururka Daacish oo xaqiijiyey geerida hogaamiyahooda Abu al-Hussein al-Qurashi

Image

SYRIA - Afhayeen u hadlay ururka argagixisada ah ee Daacish ayaa Maanta oo Khamiis ah ku xaqiijiyey cod uu soo dhigay kanaalka Telegramka ee ururka geerida hoggaamiyihii Daacish, Abu al-Hussein al-Qurashi.

Afhayeenka u hadlay ururka ayaa sheegay in dilka hogaamiyahooda uu yimid ka dib dagaal ka dhacay magaalada Idlib ee waqooyi galbeed dalka Suuriya. Waana isla magaalada lagu dilay hogaamiyihii hore ee ururka Abu Bakar al-Baghdadi.

Kooxdan oo mar u talinaysay dad gaaraya malaayiin qof intii ay gacanta ku haysay saddex meelood meel ka mid ah dhulka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa maanta awoodeedii aad loo wiiqey.

Waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya ayaa noqoday meesha ugu muhiimsan ee ay nabdoonaan kooxda Daacish ee Bariga Dhexe, kaddib markii looga adkaaday Ciraaq 2017-kii iyo Suuriya 2019-kii. Halka maanta ay ku dhuumaaleysanayaan xadka Ciraaq iyo Suuriya oo dhererkeedu dhan yahay 600-km.

Bishii April ee la soo dhaafay ayuu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan sheegay in Ciidamada Sirdoonka Turkiga ay howlgal qorsheysan oo ka dhacay gudaha dalka Suuriya ku dileen Abu al-Hussein al-Qurashi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM

Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu

Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:07PM