Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Ugu Baaqay Warbaahinta Inay Difaacaan Islaam-nacaybka

Image

(GO) - Wajdi Sindi, Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa ka qayb galay shir deg-deg ah oo isugu yimaadeen Midowga Idaacadaha & Telefishinada ka tirsan dalalka Ururka. Shirkan oo maalintii (Arbacada) la qabtay ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa ku xad-gudubka xurmada diinta, ka dib markii Sweden lagu gubay Quraanka Kariimka.

Xoghaynta Guud ee Ururka ayaa ugu baaqday warbaahinta dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay u jeediyaan barnaamijyada telefishinada, idaacadaha, iyo baraha bulshada tallaabooyin lagula dagaallamayo Islaam-nacaybka iyo aflagaadada diinta.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in la caddeeyo iyo in la taageero mabaadiida dulqaadka iyo wada-noolaanshaha leh ee diinta Islaamka, oo ka soo horjeeda colaad iyo nacayb-ka

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 26 qodob, oo muujinaya qorshe looga hortago weerarrada lagu qaado Quraanka. War-murtiyeedka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in warbaahinta iskaashiyo, sida loogu adkayn lahaa xoriyadda hadalka iyo in si wanaagsan loo maareeyo hannaankaas.

Sidoo kale, waxay ka wada-hadleen in la hirgeliyo hab qaran oo loo maro la xisaabtan warbaahinta, gaar ahaan kuwa falanqeeya hadalada nacaybka ah.

Ururku wuxuu sidoo kale dedaall ugu jiraa inuu hirgeliyo qorshayaal warbaahineed oo ku aaddan sida loola dagaallami lahaa Islaam-nacaybka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM