US: Guulaha Daacish dhabarjab ayey nagu yihiin

Image

Dowladda Mareykanka ayaa qirtay in guulaha ay xooggaga Daacish ka gaareen magaalooyinka Palmyra iyo Ramadi, ay dhabar jab ku yihiin dadaalka xulafada.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa carabka ku adkeeyay in Mareykanka aanu ku guuldareysaneynin dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in Daacish ay dad qoorta uga jartay magaalada Palmyra, ayaa waxaa hadda sii xoogeysaneysa khatarta ururkaasi.

Qabshada Daacish ee magaalada Palmyra ayaa kusoo beegmeysa maalmo un kaddib markii ay gacanta u gashay magaalada muhiimka ah ee ku taalla Ciraaq ee Ramadi.

Guulaha cusub ee ay Daacish gaartay ayaa su’aal gelinaya, waxtarka duqeymaha xulafada Mareykanka iyo ciidammada u badan maleeshiyaadka ee dhulka kula dagaallamaya ururka Daacish.

Arrintan ayaa sii kordhin doonta cadaadis gudaha Mareykanka ka haysta maamulka Obama.

Balse iyada oo uu Mareykanka horay u shaaciyay in aanu ciidan lugta ah u diri doonin goobaha ay Daacish haysato, ayaa waxaa muuqata in aanay isbedeli doonin istaraatijiyada uu hadda wado Mareykanka.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM