USA: goob lagu soo bandhigayey sawir-gacmeed ka dhan ah Nebiga oo la weeraray

Image

May 4, 2015 (GO)- Booliska Maraykanka ayaa labo nin ku toogtey duleedka magaalada Dallas ee gobolka Texas kadib markii ay soo weerareen goob lagu soo bandhigayey sawir-gacmeed lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed (NNKH).

Labada nin oo watey gaari yar ayaa rasaas ku furey dhismaha oo xilligaas uu khudbad ka jeedinayey Geert Wilders oo isagu ah mudane ka tirsan barlamanka Holland kana mid ah dadka caanka ku ah Islaam naceybka.

Weerarka waxaa ku dhaawacmey askari ka tirsanaa booliska, haseyeeshe dadkii kale ee goobta ku sugnaa wax dhibaato ahi masoo gaarin, waxaana dhammaantood goobta laga soo saarey iyaga oo bed qaba.

Dhanka kale, boolisku ilaa iyo hadda ma shaacin magacyada labada nin ee weerarka soo qaadey, sidoo kale lama caddeyn in weerarkaasi ahaa fal argagixiso iyo in kale.

January 2015, ayey ahayd markii labo nin oo wejiga soo duubtay gudaha u galeen xarunta wargeyska Charlie Hebdo dabadeedna toogasho ku dileen 12 qof o shaqaalaha wargeyskaas ka tirsanaa.

Charlie Hebdo wuxuu marar badan daabacay sawir gacmeed lagu af-lagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH, arrintaasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Muslimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM