USA: Hanjabaad la mariyey Tiktok oo baqdin abuurtey

Image
Hanjabaadaha waxay ahaayeen digniin qoraal ah oo ku saabsan bam ama toogasho dhici karta Jimcada asbuucii hore.

WASHINGTON, USA – Muuqaal hanjabaad ah beegsi iskuulo kuwaasoo hareeyay TikTok iyo baraha bulshada ayaa sababay in qaar ka mid ah dugsiyada Maraykanka la xiro Jimcihii qaar kalena ay xoojiyaan joogitaankooda booliiska.

Guud ahaan, hanjabaaduhu laguma carabaabin dugsiyo gaar ah. Maamuladda maxalliga ah iyo federaalka waxay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah ay lumiyeen kalsoonida.

Cagajugleynta waxay muujineysaa in beegsiga dugsiyada Michigan, Washington iyo goobo kale uu dhici doono taariikhda marka ay tahay 12-ka bishan December.

Hanjabaadaha waxay ahaayeen digniin qoraal ah oo ku saabsan bam ama toogasho dhici karta Jimcada asbuucii hore, iyaddoo aan la magacaabin dugsiyadda ama goobaha la beegsanayo.

Sanadkan waxaa dhacay sagaal toogasho oo lagu beegsadey dugsi iyo 235 dhacdo kale oo loogu yeero toogashooyin aan saameyn badan lahayn, sida ay sheegtay xarunta difaaca iyo amniga gudaha. Madaxda degmooyinka iyo ciidanka sharci fulinta ayaa xusay in digniin kasta ay dhab u qaateen.

TikTok, oo ay leedahay shirkadda China laga leeyahay ee ByteDance Ltd, ayaa ka mid ah dhowr shirkadood oo warbaahinta bulshada ah oo lagu dhaleeceeyay faafinta muuqaalada waxyeellada leh si gaar ah carruurta.

Sannadkan sii dhamaanaya, macalimiintu waxay ugu baaqeen shirkadda inay soo farageliso waxa loogu yeero mushkiladda uu abuuray TikTok oo dharbaaxo ku ah bareyaasha iyo guud ahaan in ardayda ay ka mashquuleen waxbarashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM

Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu

Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:07PM