USA: Hanjabaad la mariyey Tiktok oo baqdin abuurtey

Image
Hanjabaadaha waxay ahaayeen digniin qoraal ah oo ku saabsan bam ama toogasho dhici karta Jimcada asbuucii hore.

WASHINGTON, USA – Muuqaal hanjabaad ah beegsi iskuulo kuwaasoo hareeyay TikTok iyo baraha bulshada ayaa sababay in qaar ka mid ah dugsiyada Maraykanka la xiro Jimcihii qaar kalena ay xoojiyaan joogitaankooda booliiska.

Guud ahaan, hanjabaaduhu laguma carabaabin dugsiyo gaar ah. Maamuladda maxalliga ah iyo federaalka waxay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah ay lumiyeen kalsoonida.

Cagajugleynta waxay muujineysaa in beegsiga dugsiyada Michigan, Washington iyo goobo kale uu dhici doono taariikhda marka ay tahay 12-ka bishan December.

Hanjabaadaha waxay ahaayeen digniin qoraal ah oo ku saabsan bam ama toogasho dhici karta Jimcada asbuucii hore, iyaddoo aan la magacaabin dugsiyadda ama goobaha la beegsanayo.

Sanadkan waxaa dhacay sagaal toogasho oo lagu beegsadey dugsi iyo 235 dhacdo kale oo loogu yeero toogashooyin aan saameyn badan lahayn, sida ay sheegtay xarunta difaaca iyo amniga gudaha. Madaxda degmooyinka iyo ciidanka sharci fulinta ayaa xusay in digniin kasta ay dhab u qaateen.

TikTok, oo ay leedahay shirkadda China laga leeyahay ee ByteDance Ltd, ayaa ka mid ah dhowr shirkadood oo warbaahinta bulshada ah oo lagu dhaleeceeyay faafinta muuqaalada waxyeellada leh si gaar ah carruurta.

Sannadkan sii dhamaanaya, macalimiintu waxay ugu baaqeen shirkadda inay soo farageliso waxa loogu yeero mushkiladda uu abuuray TikTok oo dharbaaxo ku ah bareyaasha iyo guud ahaan in ardayda ay ka mashquuleen waxbarashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM