USA: Haweenaydii ugu horeysay oo dil toogasho lagu fulinayo

Image

WASHINGTON, US - Maxkamadda Rafcaanka Mareykanka ayaa laashay go'aan lagu hakiyey dil toogasho oo lagu fulin lahaa haweenay kaliya sugeysa go'aan ay kiiskeeda kasoo saarto maxkamad heee federaal ah.

Lisa Montgomery ayaa 2004 ceeji ku dishay haweenay xaamilo ahayd kahor inta aysan la baxsan gabadheeda.

Hadii dil toogasho lagu fuliyo, waxay noqoneysaa haweenaydii ugu horeyaay ee xukunkaas lagu qaado kugu dhowaad 70 sano kahor.

Toogashada Montgomery ayaa kalkii hore loo madalsanaa bishii lasoo dhaafay balse waxaa la hakiyey kadib markii qareenadeena laga helay Covid-19.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa kadib u muddeysay 12-kii Janaayo. Hasa ahaatee, qareenadeeda waxay ku doodeen waqtigaas aan la fulin karin iyadda oo hakinta ay jirto.

Maxkamadda ayaa taageertay qareenadda waxayna joojisay amarka ksoo baxay Agaasimaha Xafiiska Xabsiyadda oo ku saabsanaa dilka toogashadda.

Koox garsooreyaal ah oo Jimcada todobaadkii hore waxay soo gabagabeeyeen kiiska ayaa sheegay in Agaasimaha uu dhaqangeliyey sharciga, waxayna ogolaadeen dilka toogashadda.

Haweenaydii ugu horeysay ee ay toogatay dowladda Mareykanka ayaa ahayd Bonnie Heady taasoo 1953 lagu dilay qolka gaaska ismaamulka Missouri, sidda laga soo xigtay Xarunta Macluumaaska Xukunada Dilka Toogashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM