USA: Jamhuuriyiinta oo ku guuleystey aqalabiyadda Senate-ka

Image
Image
Image
Image

November 5, 2014 (GO)- Xisbiga Jamhuuriga  ee dalka Maraykanka ayaa ku guuleystey hogaaminta aqalka Sanate-ka (guurtida) kadib markii uu helay tiradii kuraasta ee looga baahnaa si uu gacanta ugu dhigo aqlabiyadda Senate-ka.

Gobolada Jumhuuriyiitu guulaha ugu waaweyn kasoo hoyeen waxaa kamid ah: South Dakota, West Verginia, Arkansas, Montana, Iowa, Colorado iyo North Colorado.

Xisbiga Jamhuurigu wuxuu ku guuleystey 52 kursi oo kamid ah 100ka gursi ee goluhu ka kooban yahay halka dimuqraadiyiintu heleen 45 kursi oo qura. Tirinta codadka ayaa weli ka socota gobolada qaar, waxaana la saadaalinayaa in tirada kuraasta jamhuuriyiintu intaas ka badato.

McConnell oo laga soo doorto gobolka Kentucy ayaa noqon doona gudoomiyaha cusub ee golaha sare ee Congress-ka Maraykanka (Senate House). 

Horay Jamhuuriyiintu waxay u haysteen aqlabiyadda aqalka hoose ee Congress-ka ( House of Representatives).

Guusha xisbiga jamhuurigu ka gaarey labada aqal ee Congress-ku waxay caqabad ku noqon doontaa siyaasadda maamulka Madaxweyne Barack Obama labada sano ee uga dhiman mudada xukunkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo sheegtay inaysan aamusi doonin kadib markii la baaray gurigeeda

Omar, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga lagana soo doorto gobolka Minnesota, ayaa cambaareysay baaritaanka.

  • Caalamka

    12-10-2026

  • 05:05PM

Sacuudiga: 12 ku dhimatay weerar gantaal oo lagu qaaday garoonka Riyadh

Garoonka ayaa markale la bartilmaameedsaday Sabtidii, waxaana gebi ahaanba laga…

  • Caalamka

    11-10-2026

  • 02:53AM