Vladimir Putin oo shuruud ku xiray in uu u hambalyeeyo Joe Biden

Image
Image

MOSCOW, Russia – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu sugayaa natiijooyinka rasmiga ah ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ka hor inta uusan u hambalyeynin guuleystaha, sidda uu sheegay Kremlin-ka Isniintii.

"Waxaan u aragnaa inay sax tahay inaan sugno natiijada rasmiga ah in la soo gabagabeeyo. Waxaan rabaa inaan idin xusuusiyo in madaxweyne Putin uu dhowr jeer ku celceliyay inuu ixtiraamayo xulashada dadka Mareykanka," ayuu wariyeyaasha u sheegay Dmitry Peskov, oo ah afhayeenka Kremlin.

Hogaamiyayaal badan oo aduunka ah ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay Joe Biden ka dib markii uu si aan la loodin karin ugala wareegay Donald Trump tirinta codadka.

Markii uu Trump uu Hillary Clinton kaga guuleystay doorashadii madaxtinimada ee 2016, Putin wuxuu ugu hambalyeeyay ugu yaraan saacad gudahood.

Peskov wuxuu sheegay in doorashadan ay ka duwaneyd sababo la xiriira caqabadaha dhanka sharciga ah ee Trump kaasoo diiday inuu qirto in laga adkaaday, uuna qorsheynayo inuu kor u qaado codeynta.

"Farqiga u dhexeeya waa iska cadahay ... markaa ma jirin wax ogeysiis ah oo ku saabsan caqabadaha xagga sharciga," ayuu yiri Peskov.

Moscow ayuu ka dhawaajiyay in ay diyaar u tahay inay la shaqeyso cid kasta oo lagu dhawaaqo inay ku guuleysatay codbixinta Mareykanka.

"Waxaan rajeyneynaa in madaxweynaha soo socda ee Mareykanka ay suurta gal noqon doonto in dib loo soo celiyo wadahadal isla markaana si wadajir ah loogu heshiiyo qaabab caadi looga dhigo xiriirka labada dal," ayuu yiri.

Ruushka waxaa lagu eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay doorashadii 2016 si uu gacan uga geysto sidii Trump loo dooran lahaa, sababo ku aadan rajada laga qabay in uu qad jilicsan siin dono xukuumadda Moscow.

Biden ayaa la filayaa inuu qaato mowqif adag, isagoo intii lagu guda jiray ololaha ku cambaareeyay Trump "in uu ku dhowaaday amarku-taagleeyay ku kala firdhisay aduunka oo dhan, isla markaana uu ugu horeeyo Vladimir Putin."

GAROWE ONLINE

Related Articles

UNICEF oo Ka Digtay Saamaynta Ba’an ee Dagaalka Lubnaan Ku Yeeshay Carruurta

Raysal Wasaaraha xilka sii haya ee Lubnaan, Najib Mikati, ayaa Arbacadii…

  • Caalamka

    31-10-2024

  • 08:16PM

Israa'iil oo lagu cambaareeyay xayiraad ay saartey hay'adda UNRWA

UNRWA waa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin.

  • Caalamka

    29-10-2024

  • 07:20AM