Vladimir Putin oo weerar afka ah ku qaadey Mareykanka

Image
Ruushka ayaa in ka badan 100,000 oo askari ku ururiyay meel u dhow xuduudka uu la wadaago Ukraine

MOSCOW, Russia – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo xulafadiisa inay iska indhatireen walaaca ammaanka Moscow ee ku saabsan Ukraine, laakiin wuxuu sheegay inuu rajeynayo in labada dhinac ay awood u yeelan doonaan inay ka wada xaajoodaan xal u helista xiisadda sii xoogeysaneysa.

Isagoo ka hadlayay Moscow Talaadadii, Putin wuxuu sheegay in Kremlin-ka uu darsay jawaabta Mareykanka iyo NATO ee dalabaadka Ruushka uu soo bandhigay - oo ay ku jiraan in Ukraine laga ilaaliyo xulafada amniga ee reer galbeedka - laakiin wuxuu sheegay in jawaabaha ay ahaayeen kuwo aad uga fog.

"Horta way caddahay in walaacyadii asaasiga ahaa ee Ruushku ku dhamaaday in la iska indho tiro," ayuu Putin ka sheegay shir jaraa'id oo uu la yeeshay ra'iisul wasaaraha Hungary oo booqasho ku jooga.

Putin ayaa sheegay in inkasta oo Maraykanku uu sheegay in uu ka walaacsan yahay ammaanka Ukraine, uu waddankii hore ee Soviet-ka u isticmaalayaa "qalab" dadaalkiisa uu ku xakameynayo Ruushka.

Weli, waxa uu ku dooday in ay suurtogal tahay in la helo soo afjarida xiisadda haddii la tixgeliyo danaha dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiraan welwelka amniga ee Ruushka.

"Waxaan rajeynayaa in aan ugu dambeyntii heli doono xal, inkastoo aan ogaanay in aysan sahlanayn," ayuu yidhi.

Hadalka  Putin oo ah kii ugu horreeyay ee xiisadda in ka badan hal bil - ayaa soo jeediyay in duulaanka Ruushka ee Ukraine, sida ay reer galbeedku ka baqayaan, laga yaabo inaysan soo dhowaan iyo in ugu yaraan hal wareeg oo diblomaasiyadeed ay u badan tahay.

Ismari waaga ayaa sababay in xiisada u dhaxeysa Ruushka iyo reer galbeedka ay gaarto heer aan la arag tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa.

Ruushka ayaa in ka badan 100,000 oo askari ku ururiyay meel u dhow xuduudka uu la wadaago Ukraine, taasoo keentay in madaxda reer galbeedka ay Moscow ku eedeeyaan inay diyaarinayso duullaan ay ku qaado dalka ay deriska yihiin, waxayna uga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii ay soo gasho.

Ruushku waxa uu ku adkaysanayaa in aanu qorshaynayn in uu weeraro, taas beddelkeedana ay soo bandhigeen hindise ay ku sheegeen in ay hoos u dhigayaan xiisadda.

Marka laga soo tago dalbashada in NATO aysan ku fidin Ukraine iyo waddama kale oo hore ee Soofiyeedka, soo jeedintu waxay waydiisanaysaa Maraykanka iyo NATO inay ka fogaadaan in la geeyo hubka weerarka meel u dhow Ruushka oo ay dib u soo celiyaan hawlahooda Bariga Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka iyo xulafadiisa, ayaa sheegay in Ukraine, sida dalalka kale, ay xaq u leeyihiin inay doortaan xulafada, inkastoo aysan hadda xubin ka ahayn NATO, lagana yaabo inay ku biiraan wakhti dhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:03AM

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM