Vladimir Putin: Uma baahni in aan kulan la yeesho Joe Biden

Image
Madaxweynaha Ruushka ayaa hadalkan sheegay kahor shir madaxeedka G-20 ee bisha Nofeembar.

MOSCOW, Russia - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii sheegay in "aan loo baahnayn" wadahadal uu la yeesho dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta maxaliga.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xiisadda u dhexeysa Moscow iyo Washington ay sii kordheyso iyaga oo isku haya arrimo ay ay ku jiraan duullaankii Moscow ee Ukraine.

"Waa inaan waydiinnaa inuu diyaar u yahay inuu wadahadalo noocan oo kale ah ila qabto iyo in kale, ma arko baahida, run ahaantii anigu waqti-xaadirkan," ayuu yidhi Putin.

Jadwaabtan ayuu bixiyey ka gadaal markii la waydiiyay kulan suurtagal ah oo uu la yeelan doono Biden inta uu socdo maa kadib shir madaxeedka G-20 Nofeembar.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Putin ayaa waxa uu intaa ku daray in ka qaybgalkiisa shir madaxeedka ay martigelinayso Indonesia uu yahay mid aan wali si rasmi ah loo go'aamin.

"Su'aasha ku saabsan safarkayga halkaas lama soo dhameystirin, Ruushka ayaa hubaal ah inuu ka qayb qaadan doono. Qaabka, weli waan ka fekereynaa," Putin ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib shir madaxeedkii Kazakhstan.

Isagoo hadlayay horaantii isbuucan, Biden wuxuu sheegay inuusan "wax niyad ah" ka lahayn inuu la kulmo Putin laakiin ma uusan meesha ka saarin wadahadalo dhici kara taasoo ka dhigan in dhankiisa uu diyaar yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM