Volodymyr Zelensky oo ogolaaday shuruudihii uu dalbaday Putin

Image
Ukraine ayaa xornimada qaadatay 1991-kii ka dib burburkii ku yimid Midowgii Soofiyeet.

KYIV, Ukraine - Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay in ay kawada xaajoodaan qaadashada mawqif dhexdhexaad ah oo qeyb ka ah heshiiska nabadeed ee lala galayo Ruushka.

Volodymyr Zelensky oo wareysi siiyay suxufiyiin madax banaan oo u dhashay Ruushka ayaa sheegay in heshiis kasta oo noocaasi ah ay tahay in afti laga qaado dadka shacabka ah.

Warkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo todobaadkan lagu wado in uu dib uga furmo dalka Turkiga wadahadallada u dhaxeeya labada dal.
Wicitaan muuqaal ah oo soconaya 90 daqiiqo ayuu Mr. Zelenskyy ku sheegay in ay doonayaan dammaanad-qaad amni iyo dhexdhaxaadnimada dowladdiisa, asagoo sheegay in ay taasi tahay qodobka ugu muhiimsan ee ay u tagi doonaan dalka Turkiga.

Dhexdhexaadnimada ayaa ka dhigan in Ukraine aysan isbahaysi ciidan la yeelan karin wadan kale. Mr Zelensky waxa uu sheegay in heshiis kasta oo macquul ah uu u baahan yahay kulan fool ka fool ah oo uu la yeesho Mr Putin iyo in dammaanad-qaad ammi uu helo dalkiisa kaas oo qeexaya in Ukraine ay la kulmi doonin wax dhibaato ah.

Hogaamiyaha Ukraine ayaa sheegay in duulaanka Ruushka uu sababay burburka magaalooyinka looga hadlo Afka-ruushka ee ku yaala Ukraine.
Zelenskyy ayaa khudbad uu u jeediyay qarankiisa ku sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay nabad deg deg ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa muddo dheer dalbanayay dhexdhexaadnimada Ukraine, wuxuuna balan qaaday inaysan ku biiri doonin xulafada milateri ee Nato.

Ukraine ayaa xornimada qaadatay 1991-kii ka dib burburkii ku yimid Midowgii Soofiyeet waxeyna si tartiib ah ugu sii dhawaanayeen Midowga Yurub iyo gaashaanbuurta NATO.
 
Putin ayaa damacsan taasi cagsigeeda isaga oo u arka dhicitaankii Midowgii Soofiyeet in ay sabab u noqotay kala goynta dalka Ruushka waxuuna ku andacooday in Ruushka iyo Ukraine yihiin hal wadan asagoo dafiray taariikhda dheer ee Ukraine.

Maamulaha warbaahinta dawladda, Roskomnadzor ayaa Axaddii ku amray suxufiyiinta inaysan daabicin wareysiga hogaamiyaha Ukraine, wuxuuna yiri: "Baaritaan ayaa la bilaabay si loo ogaado heerka masuuliyadeed iyo talaabada laga qaadi karo kuwa wareysiga qaaday". Wareysiga ayaa waxaa ugu danbeyn lagu daabacay xarumo ka baxsan Ruushka.
 
Xukuumadda Moscow ayaa dhawaan soo saartay sharciyo cusub oo xadidaya qaabka ay warbaahinta Ruushku u tabin karaan wararka dagaalka Ukraine.
 
Madaxa sirdoonka militariga ee Ukraine ayaa ku eedeeyay Putin in uu doonayo kala qeybinta Ukraine, taasoo la mid ah Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed, maadaama Ruushka uu ku guuldareystay inuu gacanta ku dhigo dalka oo dhan.

La taliyaha sare ee Madaxweynaha Ukraine, Alexander Rodnyansky, ayaa BBC-da u sheegay in Ukraine aysan wax gorgortan ka galeynin inay dhul ku wareejiso Ruushka.

Mr Rodnyansky ayaa yiri: "Runtii diyaar uma nihin in aan ka tanaasulno dhul ama aan ka hadalno midnimada dhulkeena, sideen uga tagi karnaa haddii dadka aysan dooneyn in ay ku noolaadaan ama qayb ka noqdaan Ruushka?".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM