Volodymyr Zelenskyy: Waa kuma madaxweynaha ugu nugul Yurub?
KYIV, Ukraine - Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, waxa uu xukunka qabtay 2019, isaga oo la wareegay talada dalka ay dagaalaa iyo musuqmaasuqa aafeeyeen ee dadkiisu yihiin 45 milyan isaga oo aan lahayn khibrad siyaasadeed.
Siyaasiga socod-baradka ah iyo majaajiliistaha hore, oo dadka dhaliila ku sheegaan in uu boombale u yahay maalqabaneenka Ihor Kolomoisky, ayaa ku guuleystay madaxweynanimadiisa isagoo helay in ka badan 73 boqolkiiba codadka dadweynaha, wuxuuna ballanqaaday inuu dheellitiro difaaca Ukraine ee gardarrada Ruushka iyo badbaada dadka reer Russia ee jooga dalkiisa.
Waxa uu ku dhashay magaalada warshadaha leh ee Kryvyi Rih oo ku taal badhtamaha Ukraine, waana aabaha laba carruur ah; waxaa loo arkay inuu yahay kan ugu wanaagsan ee ku guulaysan kara hawshiisa, wax yar ka dib markii uu noqday madaxweynaha, waxa uu isticmaalay diblomaasiyad si uu u helo Moscow si ay u bedesho dhawr kooxood oo Yukreeniyaan ah maxaabiis dagaal.
Laakiin, niyadda wanaagsan ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ma noqon mid waara, maadaama Zelenskyy aanu bedelin siyaasadii arrimaha dibadda ee dalkiisa ee u janjeedhsanayd inuu xidhiidh dhow la yeesho sayidkiisii hore, Moscow.
Isbedel hogaan
Ruushka ayaa hadda duulaan ku ah maamulka Zelenskyy. Qorshaha howlgalkan waxaa lagu sheegay in ay isbedel dhanka hogaanka ah ka dhaliyaan dalkan iyaga oo adeegsanaya awood dhanka ciidanka ah.
Zelenskyy ayaa rumeysan yahay inuu yahay "lambarka bartilmaameedka" ee Ruushka, laakiin isaga iyo qoyskiisu waxay ku hareen Ukraine. "Waxay rabaan in siyaasad ahaan ay Ukraine ku burburiyaan iyagoo madaxa ka tuuraya,” ayuu yiri.
44-jirka ayaa sidoo kale wuxuu ku dhaleeceeyay xulafada Ukraine inaysan u imaanin difaaca dalkiisa si muuqata, iyaga oo naftooda ku xaddidaya taageero af, dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed.
“Waxaa naloo daayay inaan difaacno dowladnimadeena,” ayuu ku yiri. "Yaa diyaar u ah inuu naga garab dagaalamo? Qofna ma arko. Yaa diyaar u ah inuu Ukraine siiyo dammaanad xubinnimada NATO? Qof kastaa wuu cabsanayaa".
Baylahnimada Zelenskyy
Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa aqoonsaday baylahnimada Zelenskyy, iyaga oo ku magac dheer "nin kali ah laakiin sharaf leh". Duulaanka Ruushka lama filayo in uu ku qasbo reer galbeeda in ay dagaalka kusoo biiraan.
Fabrice Pothier, madaxa istaraatiijiyadda ee Rasmussen Global ahaana agaasimihii hore ee qorsheynta siyaasadda ee NATO, ayaa u sheegay Al Jazeera isaga oo jooga Santander, Spain in ujeedada Putin ay tahay "xog siyaasadeed" - "isbeddel nidaam" ee Ukraine.
"Way caddahay in uu rabo isbeddel maamul, nidaamkuna waa in - aragtidiisa - uu damqado danaha Ruushka, oo uu diido wadadii NATO iyo xubinimada Midowga Yurub," ayuu carabka ku dhuftey.
Pothier ayaa ku daray: "Putin wuxuu rabaa nooc ka mid ah dhexdhexaadnimada ama mowqifka Finland oo xubin ka noqotay Midowga Yurub balse iska diidey in ay ku biirto gaashaanbuurta NATO iyadda oo ka fogaaneysa in ay ka careysiiso Ruushka".
GAROWE ONLINE