Waa kuma askariga katirsanaa Daacish ee weerarka ka fuliyay Maraykanka?

Image

Waa kuma ninka weerarka ka fuliyay Maraykanka?

Shamsud-Din Jabbar oo askari hore ahaa ayaa la shaaciyay inuu ka dambeeyo Weerarkii New Orleans, waxaana laga helay baabuurka uu dadka jiirsiiyay calanka ISIS/Daacish.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 15 qof oo wado ku taalla New Orleans ku dhigayay xaflad loogu dabaal-degayay sanadka cusub, sida ay sheegtay FBI-da.

FBI-da ayaa xustay in Shamsud-Diin Jabbar oo 42 jir ahaa uu ku dhintay israsaasayn dhexmartay isaga iyo booliska. Ninkan wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Mareykanka.

Daraasiin ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, oo FBI-du ku tilmaantay inuu yahay mid argagixisanimo kadib markii calanka Daacish (ISIS) laga helay dhabarka gaariga.

Booliska magaalada New Orleans ayaa sheegay, in marki uu weerarka dhacayay ay amniga goobta sugayeen in ka badan 300 oo ka mid ah ciidamada booliska magaalada.

Waxay dhacday abbaare 3.15 subaxnimo Shalay, halka ay iska galaan Waddooyinka Canal iyo Bourbon ee xaafadda Faransiiska ee magaalada, oo ah aag caan ku ah dalxiisayaasha.

Ninka weerarka geystay ayaa la toogtay kadib markii uu rasaas ku furay askarta. Labo booliis ayaa ku dhaawacantay israsaaseynta.

Ninka falka looga shakisan yahay ayaa horay uga soo mid noqday millatariga Mareykanka, balse marki danbe ka baxay sida ay saraakiishu sheegeen.

Qori nooca AR-da ah ayaa laga soo saaray gaariga xamuulka ah, waxaana FBI-da ay sheegtay in baabuurka laga helay (walxaha qarxa).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM

Diyaarad Ethiopian Airlines leedahay oo loo diiday inay ku degto Israa’iil sababo la xiriira dhalashada duuliyaha

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan habraacyada amniga duulista, gaar ahaan kaddib isku daygii afduubka diyaaradda Flydubai.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 07:06AM