Wadahadallada Ruushka iyo Ukraine oo ififaalo fiican kasoo baxeen
MOSCOW, Russia - Wadahadallada nabadeed ee u dhaxeeye labada dhinac ayaa lagu kala kacay saacad ka hor waqtigii loogu talo galay in uu dhammaado. Qaar ka mid ah wafdigii ka socday dalka Ukraine ayaa la sheegay in ay banaanka usoo baxeen si ay oola hadlaan warbaahinta, waxeyna dadka intooda badan u maleeyeen in uu jirin war ah oo lagu farxi karo ayagoo u sababeynaya sida dhakhsada ah uu kulanka usoo dhammaaday.
Malihii dadka ayaa si dhakhsa ah isku badalay waxaana caddaatay in uu ahaa xaalad diblumaasiyadeed tii ugu muhiimsanayd tan iyo intii uu bilaabmay duulaanka Ruushka.
Wafdiga Ukraine ayaa si cad u qeexay sida ay u rabaan dammaanad qaadka amniga ee reer Galbeedka si ay ugu dhawaaqaan xaalad ‘dhexdhexaad’ ah taas oo ahayd dalabka muhiimka ah ee Ruushka.
General Alexander Fomin, oo ah ku xigeenka wasiirka difaaca ee Ruushka, ayaa saxaafada u sheegay in Ruushka uu hoos u dhigi doono dhaq dhaqaaqiisa ciidan ee ku hareeraysan Kyiv iyo Chernihiv, iyadoo la tixraacayo wada xaajoodyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Turkiga.
"Si loo kordhiyo kalsoonida labada dhinac loona buuxiyo shuruudaha lagama maarmaanka u ah wada xaajoodyada dheeraadka ah iyo gaaritaanka himilada ugu dambeysa ee heshiska iyo saxiixitaankiisa, go'aan ayaa la qaatay in si weyn loo yareeyo dhaqdhaqaaqa milatari ee agagaarka Kyiv iyo Chernihiv,” Fomin ayaa intaaas u sheegay suxufiyiinta.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP, militariga Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay ka baxeen agagaarka Kyiv iyo Chernihiv taas oo muujineysa ififaalo fiican oo aadan dhaqan galka wadaxaajoodka.
Turkiga ayaa sheegay in wasiirada arrimaha dibadda ee Ruushka iyo Ukraine la filayo in ay kulmaan wejiga xiga si ay ugu gogol xaaraan is-araga Zelenskyy iyo Putin.
Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid kuwa hogaaminaya kooxda Ruushka ku mataleysa wadaxaajoodka ayaa sheegay in kulanka Putin iyo Zelenskyy uu suurtagal yahay kaliya haddii heshiiska ay ansixiyaan wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada dal.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa yiri, “Aad ayan ugu faraxsanahay in aan aragno isu soo dhawaanshaha labada dhinac.”
Dagaalka ayaa sii soconaya, waxaana jirta kalsooni aad u yar oo u dhaxeysa labada wadan balse tani ayaa u muuqata markii ugu fiicneyd ee horumarka laga gaaray wadaxaajoodka. Kulankii maanta ayaa socday ku dhawaad afar saacadood iyadoo mararka qaarna la nasanayey, mana cadda in wadaxaajoodka uu sii socon doono maalin labaad.
GAROWE ONLINE