Wadamada Carabta oo sameysanaya ciidan ka dhexeeya

Image

March 29, 2015 (GO)- Dalalka ku bohoobey ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku heshiiyey inay sameystaan ciidamo ka dhexeeya, tallaabadan oo noqoneysa tii ugu horreysey nooceeda laga soo bilaabo markii la dhisey ururkaas 1945.

War-murtiyeed kasoo baxay shir-madaxeedkii dalalka Carabta ee magaalada Sharm el Sheikh kusoo gaba gaboobey ayaa warkan lagu sheegay.

Waxaa sidoo kale war-murtiyeedka lagu taageeray duqeymaha Sucuudiga iyo xulafadiisu ka wadaan dalka Yemen.

Is-bahaysi Boqortooyada Sucuudigu hormuud ka tahay ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyey duqeymo ka wadey gudaha dalka Yeman.

Duqeymaha ayaa bartilmaameedkoodu yahay fariisimaha mileeshiyaadka Xuuthiga iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax.

Go'aanka dalalka ku bahoobey Jaamacadda Carabta ayaa kusoo aadaya xilli qalalaase siyaasadeed iyo dagaallo ka soconayan qaar badan oo kamid ah dalalka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM