Wadanka Jabuuti oo saldhig ciidan siineysa wadanka China

Image

Jabuuti, May 10,2015 ( GO)- Wadanka Jabuuti ayaa wadahadal uu saldhig ciidan ku siinayo wadanka China, sidaas waxaa u sheegey AFP madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Talaabadaan ayaa keeneysa in saldhigyada Mareykanka iyo China dhinaca isku qabtaan wadankaan yar ku yaal geeska Afrika.

"Wadahadal waa socdaa," sidaas waxaa warsaxafdeed ku sheegey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, isaga oo hoosta ka xariiqey in joogitaanka Chineska ee Jabuuti la soo dhoweynayo.

Wadanka Jabuuti ayaa waxaa saldhigyo ku leh sidoo kale wadanka Faransiiska, Jarmalka iyo Jaban.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA 

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM