Waddamo Yurub Ka Tirsan oo Diiday in Shacabka Turkiga isku-soobax Sameeyaan

Image

Madax ka tirsan dhowr waddan oo Europe ku yaala ayaa diiday in isku-soobax lagu taageerayo siyaasiyiinta Turkiga ee aftida u raadinaya in dastuurka dalka wax laga baddalo.

Duqa magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa yiri "Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkey Mevlut Cavusoglu kuma qaban karo wax isku soo bax ah Hoolka weyn ee ku yaalla dekedda Rottendam  sababo ammaanka khuseeya awgood."

Waddamada Austria iyo Switzerland ayaa iyaguna tallaabo caynkaas ah qaaday. 

Arrintan ayaa kasoo curatay markii dowladda Germany ay diiday isku-soobax afti loogu raadinayay in dastuurka dalka Turkey wax laga baddalo laakiin Berlin ay diiday taasoo sababtay in Mr, Erdogan uu ku tilmaamo dowladda Germany inay leedahay dhaqankii NAZI.

Hadalkaasi wuxuu sababay in mustashaarka Germany Angela Merkel ay hadalka Erdogan kaga jawaabtay "Maaha wax la aqbali karo."

Xisbi-xaakimka Turkiga ayaa cod u raadinaya in madaxweyne Erdogan lasiiyo awood dheeraad ah, taasoo ay siyaasiyiinta AK-Party ay dibadda iyo gudaha waddankaba  cod ugu raadinayaan aftida la qaadi doono 16 April.

Xisbigu wuxuu bartilmaameedsanayaa dad Turki ah oo ku kala nool Europe oo ay ku jiraan 1.4 milyan oo deggen Germany.

Duqa magaalada Rotterdam Ahmed Aboutaleb ayaa isagoo warfidiyeennada la hadlaya wuxuu yiri, "Waa diblomaasi xil naga mudan, waxaan ula dhaqmi doonaa si xushmadi ku jirto, laakiin waxaan leenahay sharciyo xannibaya isku imaatinka goobaha caamka ah."

Xiriirka ka dhexeeya Turkey iyo Europe ayaa meel xun gaaray wixii ka dambeeyay afgabigii dhicisoobay dhiiguna ku daatay ee dhacay 15kii Julay sanadkii hore.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM