Wafdi ka socda Mareykanka oo booqday Suuriya

Image

DIMISHIQ - Diblumaasiyiin Mareykanka ah ayaa markii ugu horeysay booqday caasimadda Suuriya Dimishiq markii ugu horeysay muddo toban sano ka badan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Booqashada ayaa timid wax ka yar laba toddobaad kadib markii kooxo ay hogaamiso Ha'yat Tahrir al-Sham (HTS) ay afgembiyeen nidaamka Bashaar Al-Asad. dalkana u horseeday waa cusub.

Wafdiga Dimishiq tagey ayaa kala hadlay hogaamiyaasha cusub ee Suuriya sida Maraykanku u caawin karo dalkooda xiligan kala-guurka ah.

HTS ayaa weli ku jirta liiska argagixisada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxaana ay horey xiriir ula lahayd Al-Qaacida, balse waxay tan iyo markaas isku dayday inay meesha ka saarto wixii hore Mareykanka ka fekerayay inuu liiska ka saaro.

Hoggaamiyaha HTS Abu Mohammed al-Jolani ayaa toddobaadkan la kulmay dublamaasiyiin British ah iyo kuwa Jarmalka ka socday, wuxuuna ku baaqay in la soo celiyo xiriirka iyo in laga qaado cunaqabateynta saaran Suuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM