Walaac caalami ah oo ka dhashay amar uu bixiyey Putin
LONDON, Britain - Amarka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ah in ciidamada ka hortagga dalkiisa - oo ay ku jiraan hubka nukliyeerka - in la geliyo heegan sare, waa "hadal oor-kacsi oo khatar ah," sidda uu shaaca ka dhigay Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg.
"Haddii aad ku darto hadaladan iyo waxa ay ka sameynayaan gudaha Ukraine, iyagoo dagaal kula jira qaran madax-bannaan, oo si buuxda u duulaya Ukraine, tani waxay kordhinaysaa halista xaaladda," ayuu sii raaciyay.
Stoltenberg ayaa ku daray: "Taasi waa sababta aan taageero u siino Ukraine, waa sababta aan toddobaadyadii iyo bilihii la soo dhaafay si weyn u kordhinay joogitaanka NATO ee isbahaysiga bariga qaaradda Yurub".
Dhanka kale, Spain ayaa xiri doonta hawadeeda shirkadaha diyaaradaha ee Ruushka, sida ay sheegtay wasaaradda gaadiidka Spain oo Axada maanta ah soo saartey war-saxaafadeed rasmi ah.
Wasaaradda Gaadiidka ayaa ku sheegtay tallaabadan barteeda Twitter-ka, iyadoo tibaaxdey in waddanku "uu sii wadi doono inuu ka xiro hawadiisa shirkadaha diyaaradaha ee Ruushka" ka dib awaamiirta iskaashiga ee Midowga Yurub.
Spain ayaa ku biirtay dalal kale oo ay hawadooda ka xireen shirkadaha diyaaradaha ee Ruushka usbuucan dhamaadkiisa kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine, sida Germany, Italy, France iyo Canada.
Safiirka Ukraine u fadhiya Maraykanka, Oksana Markarova, ayaa soo dhawaysay warka ku saabsan wadahadalka ay la yeelanayso Ruushka sida suurtogalka ah ee lagu soo afjari karo duulaanka Ruushka ee Ukraine, laakiin waxay intaa ku dartay in dalkeeda hooyo "uusan diyaar u ahayn inuu is dhiibo."
Markarova ayaa ku sheegtay wareysi ay siisay ABC News Axaddii in Ukraine ay diiradda saarayso had iyo jeer in la isticmaalo dibloomaasiyadda si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine iyada oo ka jawaabeysa wararka Ukraine waxay ogolaatay inay la kulanto gorgortanka Ruushka ee xadka Ukraine iyo Belarusiya.
Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Kyiv uu ogolaaday inuu u diro wafdi wadahadal ah "shuruud la'aan" kula yeesha saraakiisha Ruushka ee soohdinta Ukraine iyo Belarus.
"Waxaan ku heshiinnay in wafdiga Ukraine ay kula kulmaan wafdiga Ruushka shuruud la'aan xudduudda Ukraine iyo Belarus, oo u dhow webiga Pripyat," Zelenskyy ayaa ku yiri hadal uu soo saaray ka dib markii uu telefoon kula hadlay Lukashenko.
Ma uusan shaacin waqtiga saxda ah ee kulanka, laakiin wuxuu yiri Lukashenko, oo ah xulafada Putin: "Wuxuu qaaday mas'uuliyadda hubinta in dhammaan diyaaradaha, helikabtarrada iyo gantaallada ku sugan dhulka Belarusiyaanka ay sii joogaan dhulka inta lagu jiro safarka".
GAROWE ONLINE