Walid Muallem: Wasiirkii arrimaha dibadda Suuriya oo geeriyooday

Image

DAMASCUS, Syria – Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Walid Muallem, ayaa geeriyooday, sidda ay Isniinta maanta ah warisay SANA, oo ah wakaalada wararka rasmiga ah ee faafisa macluumaadka dowliga ah ee waddankaas.

Warbixinta ay tabisay wakaaladda ayaa waxaanan shaaca looga qaadin sababta dhabta ah ee keentay dhimashadda mas'uulkaan.

Muallem oo ku dhintay da'da 79-sano jir ayaa wasiirka arrimaha dibadda dalkaas wuxuu ahaa tan iyo 11-kii Febraayo sanadkii 2006-dii.

Sidda ay sheegtay warbaahinta, Muallem wuxuu ahaa mid kamid ah taageereyaasha madaxweyne Bashar al-Assad ee colaadda Suuriya.

Caasimadda Suuriya ee Damascus ayuu ku dhashay 1941-dii, waxaana uu soo noqdey danjiraha Suuriya u fadhiya Mareykanka 1990 illaa iyo 1999.

Madax xil-haya, kuwa hore, siyaasiyiin caan ah iyo dadyow kale ayaa tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday, waxaana ay u rajeeyeen bedel wanaagsan.

Sidda ay xaqiijiyeen illo wareeydo xog ogaal ah, Faisal Mekdad oo haatan ah wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu waddaa in uu bedelo Walid Muallem kaasoo horey soo noqdey ra'iisul wasaare ku xigeenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM