Warar Dheeraad ah: Weerar drone ah oo lagu qaaday Israel oo sababey dhimasho iyo dhaawac

Image

Binyamina, Israel - Ugu yaraan 61 qof ayaa ku dhaawacmay weerar ay ku qaadeen kooxda Xisbulah magaalada waqooyiga Israel ee Binyamina, sida uu sheegay adeegga ambalaaska ee Israel. Weerarkan, oo loo adeegsaday “drones badan,” ayaa bartilmaameedsaday saldhig ciidan oo ku yaalla waqooyiga Israel, sida ay xaqiijiyeen ciidamada difaaca Israel (IDF).

IDF ayaa sidoo kale xaqiijisay in afar askari la dilay, halka in ka badan 60 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday saldhig ciidan oo ku dhow magaalada Binyamina, oo 33km koonfur kaga beegan magaalada Haifa. Toddobo askari ayaa la sheegay inay si xun u dhaawacmeen.

Kooxda Xisbulah ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, iyagoo tilmaamay in ay beegsadeen xerada tababarka ee cutubka Golani ee ciidanka Israel (IDF), oo ku taalla inta u dhexeysa Tel Aviv iyo Haifa. Xisbulah waxay sheegtay in weerarkan uu ahaa jawaab celin ku aaddan duqeymo ay Israel ku qaadday koonfurta Lubnaan iyo magaalada Beyruut maalintii Khamiista.

Adeegga ambalaaska Israel, Magen David Adom (MDA), ayaa xaqiijiyay in 61 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba ay ku jiraan dad si daran u dhaawacmay. Saddex ka mid ah dhaawacyada ayaa ah kuwo halis ah, halka 37 kale lagu daweynayo siddeed isbitaal oo ku yaalla gobollada waqooyi ee Israel, iyadoo la geeyay dadkan ambalaasyo iyo helikabtaro.

MDA ayaa sidoo kale sheegtay in 18 ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin kuwo xaaladooda ay dhexdhexaad tahay, 31 kalena ay fudud yihiin dhaawacyadooda. Sagaal qof ayaa la sheegay inay la il-daran yihiin walaac iyo naxdin. Weli lama oga sababta ay u kala duwan yihiin tirada dhaawacyada halista ah ee ay IDF iyo MDA kala sheegeen.

Censoorada warbaahinta Israel ayaa markii hore diidday in la faahfaahiyo goobta la weeraray, laakiin markii dambe IDF ayaa xaqiijisay in saldhigga la weeraray uu ku yaallay Binyamina.

Warbaahinta Israel qaarkood ayaa soo werisay in drones lagu soo riday saldhigga, kuwaas oo ka soo kicitimay Lubnaan, isla markaana aysan ahayn hub aad u casri ah oo keenay in alaarmiga digniinta aan la dareemin. Muuqaallo laga sii daayay telefishinada iyo baraha bulshada ayaa muujinayay gawaari gurmad iyo helikabtaro dhaawacyada u qaaday isbitaalada waqooyiga Israel oo kala ah Hillel Yaffe oo ku yaalla Hadera iyo kuwa kale oo ku yaalla Tel Hashomer, Haifa, Afula iyo Netanya.

Weerarkan ayaa la sheegay in dad badan oo dhaawacmay ay ku sugnaayeen hoolka cuntada ee xerada, xilliga weerarka. Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay hool madhan oo saqafka uu dalool ka muuqdo, taasoo muujinaysa saameynta xooggan ee weerarka.

Waxaa weli la sugayaa faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan xaaladda dadka dhaawacmay iyo tallaabooyinka xiga ee amniga Israel, iyadoo weli la hadal hayo sida ay uga falcelin doonto weerarkan. Dhinaca kale, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay u soo dirayaan Israel nidaam gantaalo horumarsan iyo ciidamo, si ay gacan uga geystaan difaaca.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dad ku dhintay diyaarad ku burburtay dalka Kazakhstan

Aktau waxay ku taal xeebta ka soo horjeeda ee Badda Caspian ee dalalka Asarbayjan iyo Ruushka.

  • Caalamka

    25-12-2024

  • 01:02PM

Mareykanka oo ka laabtay $10 milyan oo dul-dhigtay madaxa Hogaamiyaha Suuriya

Beesha caalamku waxay sidoo kale ku degdegtay inay taageerto mabaadi'da loogu talagalay in lagu hago dawladda cusub ee Suuriya.

  • Caalamka

    21-12-2024

  • 09:26AM