Warbixin: Dukumintiyo Sir Ah Oo Lagu Sheegay Weerar Ay Israa’iil Ku Qaadi Doonto Iran

Image

Nairobi, Kenya - Barta Telegram-ka ee  la yiraahdo “Middle East Spectator,” oo isku tilmaanta iney tahay urur warbaahineed oo iskii u madax-bannaan, ayaa shaaciysay dukumiintiyo uu ku sheegay inay yihiin xog sir ah oo ka timid sirdoonka Mareykanka, kuwaas oo faahfaahin ka bixinaya qorshe ay Israa’iil ugu diyaarsan tahay weerar ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Bayaan uu soo saaray kanaalka “Middle East Spectator” ayaa lagu sheegay in dukumiintiyadan ay heleen iyaga oo aan si rasmi ah loo xaqiijin, iyagoo intaas ku daray in qof aan is shaacin oo adeegsanaya madasha Telegram uu u gudbiyay xogtan. “Waxaan helnay labo dukumiinti oo sirdoonka Mareykanka ah kuwaas oo ku saabsan diyaargarowga ay Israa’iil ugu jirto weerar ka dhan ah Iran,” ayay sheegeen.

Si kastaba ha ahaatee, kanaalkan wuxuu hoosta ka xarriiqay in uusan xaqiijin karin saxnimada dukumiintiyada la sheegay inay sirta yihiin.

Masuuliyiinta Mareykanka iyo Israa’iil ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin macluumaadka la soo dusiyay. Wargeyska Axios ayaa soo weriyay in saraakiisha sirdoonka Mareykanka ay ka gaabsadeen faahfaahinta xogtan, balse aysan si cad u beenin jiritaanka dukumiintiyada la sheegay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka, oo la hadlay warbaahinta Business Insider, ayaa sheegay in wasaaraddu ay “baaritaan ku wado warbixintan.”

Gobolka Bariga Dhexe ayaa si weyn ugu diyaargaroobaya weerar laga filayo in Israa’iil ay ku qaado Iran. Masuuliyiinta Israa’iil ayaa hore u sheegay inay qorsheynayaan inay ka aargoostaan weerarkii gantaalka ee Iran ku qaadday Israa’iil 1-dii bishii Oktoobar. Dowladda Mareykanka ayaa bishan ku dhawaaqday inay ciidamo u diri doonto Israa’iil, iyadoo raacineysa nidaamka difaaca THAAD si ay uga jawaabaan weerarkii Iran.

Weerarka gantaalka ee Iran ayaa ahaa mid aargoosi ah oo la xiriiray dilkii Israa’iil ay bishii Sebtembar u geysatay Xasan Nasrallah, hoggaamiyaha kooxda Xisbullaah ee Iran taageerto.

Sean McFate, oo ah khabiir dhinaca amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda oo ka tirsan Jaamacadda Syracuse, ayaa warbaahinta Business Insider u sheegay in weerar ay Israa’iil ku qaaddo Iran aysan wax la yaab leh ahayn, isagoo tilmaamay in dood adag ay ka socoto dowladda Raysalwasaare Benjamin Netanyahu oo ku saabsan bartilmaameedyada weerarka.

McFate ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in xogtan sirta ah ee la dusiyay ay muujineyso in xiriirka Biden iyo Netanyahu uu yahay mid kacsan, gaar ahaan iyadoo ay soo dhowdahay doorashada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM